Salahudin Posted February 27, 2013 Saacid is a nice guy, but I think he is in over his head.... ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 28, 2013 Interesting that the PM is attempting to save the day for president's failed policy regarding Kismayo. He efforts are admirable though bit late, and confusing. 'We will not oppose the outcome of Jubbooyinka' is the take away of his interview. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mintid Farayar Posted March 2, 2013 The parallel spin 'universe' Dr. Xiin lives in: xiinfaniin;922446 wrote: Interesting that the PM is attempting to save the day for president's failed policy regarding Kismayo. He efforts are admirable though bit late, and confusing. ' We will not oppose the outcome of Jubbooyinka ' is the take away of his interview. The actual universe the rest of us live in: Ra’isul Wasaaraha Somalia oo ka soo Horjeestay shirka Maamul u Sameynta Jubbooyinka ee ka socdo Kismaayo Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ugu horeeysay sheegay in xukuumadiisu ay kasoo horjeedo habka uu u socdo shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee maalinimadii shalay ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.. Ra’isul wasaare Saacid oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in shirkaasi ay ka maqantahay kaalintii ay ku lahayd dowladda, isagoona sheegay in xukuumadiisu ay si cad u sheegeeyso in ay kasoo horjeedo shirkaasi. Masuulkani ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahayd in ay dadka isugu yeerto, Muraaqabeeyso, hogaamisana shirka, balse wuxuu xusay in doorarkaasi oo ay lahayd dowladdu in ay ka maqanyihiin shirka, isagoona xusay in uu ku faraxsanyahay sida ay shacabka reer Jubbaland u daneynayaan nidaamka Federalismka.......... .............................. “Waxaan diray wafdi uu ka koobanyahay todobo wasiir iyo taliyaha ciidanka, waxaan u dhiibay casuumad qaas ah oo aan ku casuumay cid walba ama gaar ahaan ninka odayga ah oo cariga aadka looga yaqaan in ay yimaadaan halkan oo aynu ku casuunno, amase anigu aan meesha ugu tago. Wax jawaab oo Final (kama danbeys) ah, waa la imaanayaa maahane mudadaas dheer iyo wafdiga sidaa u qurxoon ma aanan ka helin, amase nooguma imaanin halkan anagana nalakuma dhiiri gelin inaanu xaga tagno oo wax aad u qurxoon maanan arkin,” ayuu hadalkiisii raaciyay. Hadalka kasoo yeeray xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii labaad uu magaalada Kismaayo ka soconayo shir la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada uu maro webiga Jubba ee laisku yiraahdo Jubooyinka. Xasan Nuur, Hiiraan Online Hnur@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya http://www.hiiraan.com/news/2013/Mar/wararka_maanta1-21066.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites