Somalia Posted February 27, 2013 Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku ridey dad ku eedeysnaa in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh/Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya. Eedeysaneyaasha oo ay tiradoodu tahay 12- qof, islamarkaana ay 6 kamid ahi maxkamadda joogeen, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo xukunkoodana uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- Cabdifataax Xaaji Aadan. "Maxkamddu markay dhegeysatey doodda xeer ilaalinta iyo difaaca qareemada, maxkamaddu markay akhrisatay caddeymaha laga qoray eedeysaneyaasha, maxkamadda markii la horkeenay caddeymo ay bixiyeen eedeysaneyaasha qaar kamid ah...sidaas darteed maxkamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah" Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ugu danbeyntii sheegay in eedeysaneyaasha xukunka lagu ridey ay haystaan muddo 30-maalmood ah, si ay racfaan uga qaataan xukunka ku dhacay. Dadka la xukumay oo uu ku jiro hogaamiyaha xarakada Al-shabaab ayaa kala ahaa sidan: Axmed Cabdi Godane - Hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Maxamed Cali (Mustaf) Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra) Maxamed Abshir Cartan Cabdiraxmaan Maxamed Cali Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane) Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf Xasan Jaamac Xasan (Surato) Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid) Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan) Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub) Xukunkan ayaa imaanaya 14-bilood kaddib, markii magaalada Boosaaso lagu diley Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka, islamarkaana ay saaxibo dhow ahaayeen Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo isagana labo todobaad kahor magaalada Garoowe lagu diley. Waa markii ugu horeysey sanadkan ee maxkamadda ciidamad qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- ay xukunto dad lala xiriirinayo ururka Al-shabaab, haseyeeshee waxay sanadkii hore ee 2012 xukunno kala duwan ku ridey in ka badan 10 qof oo kale. Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online xaajidirir@hiiraan.com Puntland, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted February 27, 2013 That was very fast. Are we sure justice is being done? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 27, 2013 This has been expected ...it has been delayed many times. Zack, these are the people who killed Dr. Ahmed Haaji Abdirahman many months ago. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted February 27, 2013 the kangaroo counts has issued its swift verdict...ma istidhi? draconian is the word that comes to mind.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted February 27, 2013 He was killed 05 December 2011. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted February 27, 2013 xiinfaniin;922254 wrote: This has been expected ...it has been delayed many times. Zack, these are the people who killed Dr. Ahmed Haaji Abdirahman many months ago. Xaaskiisana in lagu darey ahayd & Aabihiis. Waa wax lagu qoslo, tolow ma Mareykan bay lacag uga rabaan?. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 27, 2013 Maddeey, Al-Shabaab and their handlers will be dealt, whom ever they might be. Ama ku qosol ama ku ooy, adi lee kuu taal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted February 27, 2013 ^ Hadda ma ku qoslooyaa mise?.. (horta waxaan ka hadlaayo ma fahmaysaa, boowe?.) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 27, 2013 Maxkamadaytaan qosol ka dhigaysaa, laakiin midkasta oo la soo qabto laguna caddeeyo falal, qoortaa loo dheerayn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted February 27, 2013 Maya sxb, Geelle, sxb. Ee Godane baa dil toogasho ah ku xukumeen, markuu eskeriga xukunka ku ridayna wuxuu yiri: 'sida la sheegay' waa joke, waxaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 27, 2013 Kuwa 6da ah ee meesha jooga ee toogashada ku xukuman, ma joke baa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted February 27, 2013 Kuwa maqan haddey joke yihiin kuwanna waa kadar oo dibi dhal, Godanaa mastermind ahaa dilak sheekha adiga ma ku raacsantahay?. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 27, 2013 Sheekha AS baa dishay, Godane waa AS madax ugu sareeya. Mastermind buu ahaa iyo ma aha, meesha maba taalo. Godane waa dambiille ka mas'uul ah dilal iyo falalka AS geesato oo dhan. Maalinta la qabtana, haddii ayba dhacdo, wuxuu mutaysan DIL. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted February 27, 2013 'maalinta la qabto' ku daa!. Ila saadaali bal: Goormaa la qaban doonaa?. 6daan oo gabadha xijaaban ku jirto dilkooda ma ka naxsanid miyaa oo amaa gardarro lagu dilayaa isma lihid?, Geel beele!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 27, 2013 Maaddeey adigu is ilaali , intaad Godane u baqayso In la dilo quraankay ku taal. Ma la bedelaa quraanka hadda, mise sheekadii Ibraahim Afghani baad weli u qabtaa inay shaqaynayso Dukkaa ya Jibaali waa dhammaatay awoowe ee is gaabi Quote Share this post Link to post Share on other sites