Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland: Somalia Member of Parliament fined and issued deportation within 24 hour

Recommended Posts

Saalax   

Somaliland Oo Xukun Mastaafuris Ah Ku Ridday Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Sharci Daro Ku Soo Galay Ciiddeeda

 

Hargeysa (Ramaas) Febr 23,2013 – Maxkamada Gobolka Hargeysa, ayaa maanta xukun ku riday xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed oo ka mid ah baarlamaanka Somaliya oo labaataneeyo maalmood ka hor ciidamada boolisku ku qabteen Magaalada Gabiley.

 

Xildhibaankan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Somaliya isla-markaana si qarsoodi ah ku soo galay Somaliland, ayaa muddo ku xidhnaa Magaalada Hargeysa, balse maanta ayaa Maxkamada Gobolka Hargeysa oo la horgeeyay ku xukuntay in dalka uu kaga baxo muddo 24 saacadood gudahood ah iyo inuu bixiyo hal Milyan oo shilinka Somaliland ah oo ganaax ah.

 

Maxkamadu waxay amartay boolisku inay muddo 24 saacadood gudahood ah xildhibaankan ugu mastaafuriyaan dhanka Muqdisho oo uu markii hore ka yimid.

 

Ka sakow xukunka maanta ku dhacay, Maxkamada ayaa hore u siidaysay, balse ciidamada dambi baadhista ayaa todobaad ka hor markii la siidaayay qabtay, iyagga oo baadhitaan kale ku sameeyay isla-markaana maxkamada dib ugu celiyay, taasoo maanta ku ridday xukunkan.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this