Che -Guevara Posted February 23, 2013 Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatey in ay ka jawaabto codsi Shirka Jubbooyinka looga diray ON FEBRUARY 23, 2013 Guddiga kumeelgaarka ah ee Jubada Hoose ayaa horey u sheegay in 23/2/2013 uu furmaayo shirkii ka talinta aayaha Jubbooyinka, isla markaana lagu dhisaayo maamul ay yeshaan gobolada Jubbooyinka ayaa dib u dhac ku yimid. Afhayeenka guddiga qabanqaabada shirka Macalim Max’ed Ibraahim oo shalay saxaafadda la hadley ayaa si rasmi ah u sheegay in shirkii dhici lahaa maanta oo Sabti ah dib u dhacay, sababaha ugu weyn ee uu dib u dhacaas ku sheegay in warqad casumaad ah oo rasmi ah ay u direen Dowladda Federaalka in ay shirka ka soo qaybgasho oo guddoomiso, taas oo aysan ka helin wax jawaab ah ayuu yiri. Macalim Max’ed Ibraahim ayaa sheegay in ay ka war-sugayaan jawaabta dowladda isla amrkaana ay ku rajo weyn yihiin in ay ka soo jawaabaan codsigooda shirkuna furmo, mana aanu sheegin xilliga rasmiga ah ee uu dib ugu dhacay shirka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ku qanacsaneyn in maamul ka dhexeeya labada Jubbo iyo Gedo la dhiso, waxaana ay doorbidayaan in gobolkasta maamul kumeel-gaar ah oo ay iyagu soo magacaabaan u sameeyaan, taas oo dadka deegaankaas iyo weliba dowladihii ku kaalmeeyey in meelaha qaarkood al-Shabaab laga saaro ay ka soo horjeedaan Shirka la iclaamiyay in 23-ka bishan oo ku beegan maanta lagu qabto Kismaayo ayaa waxaa horay uga horyimid Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoojeeda Jubbooyinka oo codsaday in dib loo dhigo Dowladdana ugu baaqay inay soo farageliso islamarkaana wax badan ay u sinnaadaan maamulka Jubbooyinka beelaha wada dega deegaannadaasi. Dhismaha maamulka Jubbaland ee hoostaga Dowladda Federaalka ayaa noqdey tijaabo lagu eego in Dowladda Federaalku diyaar u tahay dhismaaha maamul goboleedyada iyo in ay dooneyso dowlad dhexe oo goboladu hoostagaan isla amrkaana cirka u laaleysa in goboladu dhistaan dowladdu ay ku mideysan yihiin taas oo dastuurku siinayo. Horseed Media Muqdisho-Somaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Waranle_Warrior Posted February 23, 2013 This issue will be the greatest litmus test for Hassan Culosow's government, he says we support local initiatives and was invited to send delegates to the conference and has not responded. This will make or beak his status and credibility, the men in Kismayo seem to be a little clever and have given him five more days for Hassan Culosow to put up and present his stance, whether he's for it or against it. This will be hard for him to swim out of it, if he accepts he will anger a lot of his close entourages and Mogadishu based interest groups, if he rejects it he risks facing loss of credibility and many questioning his clanish motives and tough opposition from clans in Jubboyinka and Gedo and even may be Puntland will jump the gun, Shariciga iyo Dastuurka ayaa lagu tuntay waana ka dignay before for the reason waa kala laabanay Kalsoonida. Madaxwayne Hassan Culusow needs to think long and hard before he gets himself into useless conundrum and irrelevant shenanigans within Somalis which will only waste him time and taint his image. But at the end of the day, it will all boggle down to the constitution, what it says and who follows what? Lets wait and see Quote Share this post Link to post Share on other sites
xabad Posted February 23, 2013 i say let's make the whole province a corpus separatum administrated by the UN Quote Share this post Link to post Share on other sites
Waranle_Warrior Posted February 23, 2013 Well, Somalia is big and to be honest with you there other regions in Somalia that fare far too worse than Jubboyinka like Galgaduud, Hiiraan, Upper and Lower Shabele, Bay, Bakool and even Banadir which has a lot of controversy surrounding it, in fact also there are regions that are controlled by Alshabaab. The priority should have been all these other areas instead of focusing of a region that is willing to fight Alshabaab, preserve the peace, creating admin and stability. But this picture Amin Amir picture sums up where the whole problem lies: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted February 23, 2013 Xukuumadda oo shir wadatashi ku casuntey Guddiyada maamul u samaynta Jubbooyinka FEBRUARY 23, 2013 Warqad rasmi ah oo ka soo baxdey xafiiska Raysal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, nuqul kamid ahna la soo gaarsiiyey Warbaahinta Horseed Media ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalku qabanayso shir wadatashi ah oo ku saabsan maamul u samaynta Jubboyinka. Shirka ayaa lagu casumey dhamaan guddiga qaban-qaabada maamul u samaynta Jubbooyinka. Casumaadda loo direy guddiga qabanqabada ayaa soo baxdey maalintii Khamiista ee ku beegmeyd 21.02.2013, inkasta oo ays axaafadda soo gaartey manta oo Sabti ah, waxaana ay u muuqataa in ay jawaab u tahay hadal maalintii shalay ka soo baxay Afhayeenka Guddiga qaban-qabada ee maamul u samaynta Jubbooyinka Maxamed Macalin oo sheegay in ay casumaad u direen dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qaybgalaan Shirka maanta ka furmi lahaa Kismaayo, laakiin aan wax jawaab ah laga helin dowladda sidaas darteedna shirku dib ugu dhacay. Waxaan suurta gal u noqon Horseed Media in ay guddiga qaban-qaabada wax ka weydiiso in casumaadan soo gaartey maalintii ay soo baxdey ee Khamiista iyo in kale, iyo waxa ay ka hyeelayaan shirka wadatashiga ah ee iyagana lagu casumey. Warka ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu yiri: “Anigoo tixraacaya dastuurka kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya qodobkiisa 49aad. Anigoo sidoo kale tixraacaya go’aankii Golaha Wasiirada ee kusaab-sanaa in Dowladdu u fududeeyso gobollada dala in ay maamulkooda samaystaan. Anigoo tixgelinaya talo-bixinta wefdigii heerka wasiiro ahaa ee booqashada ku tegay Gobolada Jubbooyinka. Anigoo gar-waaqsan baahida deg-degga ah ee loo qabo in dhamaan gobollada dalku ay samaystaan maamuladooda iyadoo la waafajinaayo dastuurka dalka iyo qawaaniinta. Waxaan casumaad u fidinayaa guddiyadda qaban-qaabada maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka in ay ka soo qaybgalaan shir wadatashi oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho taariikhdu markey tahay 26 Feberaayo 2013, ilaa iyo 01 Maarso 2013. Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay in uu yahay wadatashi, qaabka ugu habboon ee maamul loogu dhisi karo Jubbooyinka. Maanta waxaa qorshuhu ahaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga tashanayo aayaha Jubbooyinka isla markaana maamul loogu samayayo, waxaa ku sugan Kismaayo ergooyinkii shirkaas ka qaybgeli lahaa, waxaana la sheegay in uu u baaqdey kadib markii wax jawaab ah laga waayey dowladda. Isla maanta waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay Shaqaaqo kadib markii koox dabley ah oo weerar ku qadey saldhiga Booliska ee Kismaayo si ay xoog ugala baxaan dad lagu tuhmey in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab o maalintii shalay halkaas lagu xirey. Dadka qaar ayaa ku doodaya in haddii amniga Kismaayo faraha ka baxo, isla markaana dagaallo ka curtaan qiimaha u sareeya ee ka dhashaa ay noqon doonto in al-Shabaab dib u qabsadaan Kismaayo, waxaana masuuliyaddaas dhabarka u ridan doonta dowladda federaalka Soomaaliya oo ka caga jiidey in maamul goboleed dadka degan doonayaan loo dhiso halkaas, waxaana sidoo kale si gurracan uga hadlaaya saxaafadda magaalada Muqdisho kuwaas oo isticmaalaya erayo dib u soo nooleyn kara dagaalladii sokeeye, iyo odoyaal dhaqameed aan waxba ka gelin deeganaadaas oo baaqyo joogta ah soosaaraya. Halkan ka akhrisi warqadda casumaadda Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 24, 2013 Che -Guevara;921032 wrote: Xukuumadda oo shir wadatashi ku casuntey Guddiyada maamul u samaynta Jubbooyinka Is there more then one Gudi maamul u sameenisaa Jubooyinka? Clearly the goverment is inviting all Gudi's, including the Kismayo and Baidoa based Committee, me thinks. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Waranle_Warrior Posted February 24, 2013 Xukuumadda oo shir wadatashi ku casuntey Guddiyada maamul u samaynta Jubbooyinka This is rather poor and silly from the government, an ediotic form of response, 'waa lagu martiqaaday adigana martiqaad iyagana' kind of childish and an intelligent come back. The whole thing is to destroy the shir and efforts in Kismayo and bring back the old days of bloodshed to the city. Sadly Saacid is used to fulfill this agenda. With what happened in Kismayo yesterday, it seems Hassan's Culusow's agenda of destabilizing that port city is winning. If the government is sincere it should go to Kismayo, meet the locals, address the problems and situation properly and encourage any peaceful initiative but anything done or hosted or imposed from Mogadishu will not be accepted by the people. Let's wait and see. Quote Share this post Link to post Share on other sites