oba hiloowlow Posted February 19, 2013 Gedo(RBC Radio) Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa dhaliilay maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo gedo xili ay magaalada Kismaayo ka socoto qaban qaabada loogu jiro qabashada shir weyne lagu dhisayo maamulka Jubbaland Max’ed Cabdi Kaliil oo ah gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo habka loo wado samaynta maamulka Jubbaland isagoona tilmaamay in wadada loo marayo dhismaha maamulkaas ay tahay mid aan sax ahayn. Kaliil ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee uu ka biyo diidsanyahay isaga iyo maamulkiisa ay tahay inaan dowlada Soomaaliya shirkaas laga siin kaalintii ay ku lahayd wuxuuna ku eedeeyey dadka ku hawlan samaynta maamulkaas iney ka tallaabsadeen dowlada dhexe ee Soomaaliya isagoona ku eedeeyey iney garab mareen dowlada dalka ka jirta. Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in kaalintii laga rabay iney dowlada Soomaaliya ka ciyaarto samaynta maamulka Jubbaland ay qaateen wadamo shisheeye sida uu yiri isagoona si cad carrabka ugu dhuftay in dowlada Kenya ay saameynta ugu weyn ku leedahay qorshaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo wuxuuna ku tilmaamay in arinaasi ay tahay wax laga xumaado. wuxuuna shirkaas ku tilmaamay mid lagu abuurayo qilaaf ka dhex dhashay beelaha wada daga goboladaas wuxuuna sheegay in shiraak uu yahay mid meel uga dhacay qaranimada Soomaaliya isla markaane aan u adeegeen rabitaanka shacabka deegaanadaas,wuxuuna si cad u sheegay ineysan shir nuucaas ah ka qeyb galeen hadii ay yihiin gobolka Gedo,Kaliil ayaaa Kenya ugu baaqay iney ka waantowdo iska hor keenka bulshada Jubbooyinka sida uu hadalka u dhigay. Shirka maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa lagu wadaa in 23 bishan uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxaana ku qulqulaya magaaladaasi ergyooyin badan kuwaas oo ka kala imaanaya Muqdisho,Nairobi iyo goobo kale si ay uga qayb galaan shirka lagu dhisayo maamulka Jubbaland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted February 19, 2013 Oba, How does Moxog taste horta. ma cuntay waligaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted February 19, 2013 Ducaysane;919826 wrote: Oba, How does Moxog taste horta. ma cuntay waligaa? LOOOOOOOL it taste like baradho Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted February 19, 2013 Well done Duceysane for killing HAG with one moxog, case closed, oba waa maskiin wallaahi! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted February 19, 2013 HAG will always have an ally in 'us' LOOOOOOOOOOOL. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted February 19, 2013 nuune;919828 wrote: Well done Duceysane for killing HAG with one moxog, case closed, oba waa maskiin wallaahi! LOOOL wait was that a shot against ? Im not HAG yaa idin waalay i support Sahal. Nuune no fasir what he meant yaaqey with his sarbeeb Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted February 19, 2013 Oba malaha Quulle ayuu cunay ee Moxog ma cunin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted February 19, 2013 Mayee Gocosuu cunay Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted February 19, 2013 Ducaysane;919837 wrote: Mayee Gocosuu cunay horta what is quulle, how does it look like sxb? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted February 19, 2013 Abwaan HAG ma ahan laakiin waa original USC. siduu caydiid u yiri wuu saxnaa wuxuu 1991 samnayay. wuxuu sheego ma aamino Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted February 19, 2013 Apo i am officially your macallin due to my excellent threads these latest days Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted February 19, 2013 Duceysane, ayaantaan maxaa si naga ah? Khalkhal baa ii muuqda? HAG-ta aad sheegayso waxay iila muuqataa humaag laga cabsanayo iyo wax la rabo in dowladda jirta lagu diido. War haddaad wax mucaaradeysid waxaa la yiraa "Dowlad ma rabo" ee boor la iskuma qariyo. Ragannimadaada bannaanka soo dhig. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted February 19, 2013 Abwaan is cadee waadba qaawan tahee. We all know you used to man Caydiid's Isbaaros Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted February 19, 2013 Abwaan is a well known former isbaariste he was so hardcore even abdi qeybdiid use to say ''war ilahay ka cabso'' :eek: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted February 19, 2013 Abwaan, All is good saaxiib dawlada waa taageersanahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites