Abu-wehliye Posted February 18, 2013 In qof Muslim ah la dilaa waa xaaraan waxaase kasii daran in guriga Allah dhexdiisa loogu galo laguna toogto!!! Waxaan la soconaa in Ilaahey Muslimiinta uu ka xaaraantimeeyey in si xaq aan aheyn ay isku dilaan. Ilaahey Qur'aanku wuxuu nooga sheegey in "Ruuxii u Dila Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Eebe wuuna Laenadi wuxuu u darbi Cadaab wayn". Nabi Muxammad (SCW) waxaa laga wariyey inuu Xadiith minihiisu yahay ku yiri" Waxaan ku dhaartey Allaha nafteyda gacantiisa ku jirta ee Ruux Muslim ah oo dil loo geeystaa waxey Ilaahey agtiisa uga weeyntahay in aduunyada oo dhan la baabi'iyo" Mar hadeey arintu sidaa tahay maxaan ku fasiri karnaa dilaka loo geeystey Sheekh Cabdulqadir Gacameey? Sheekhu sidaan la socono wuxuu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee waaweyn, dilkan loo geeystey ee xaq darda ahna waxaa qof walboo muslim ah waajib ku ah inuu cambaareeyo, waxaana waajib inagu ah inaan uga qisaasno kuwa ka danbeeyey dilkiisa. Waxaan halkaan uga tacsiyeeynaayaa ummada Soomaaliyeed meel walboo ay joogto dilka sheekh loo geestey waxaana leeyahy "Inaa-lilaahi Wa-inaa Ileyhi Raajicuun". Quote Share this post Link to post Share on other sites