Fiqikhayre Posted February 15, 2013 Sahmin & Naqshadeyn ka socota PL 13 Feb 13, 2013 GAROWE ONLINE Waxaa degmooyinka Puntland ka socda sahaminta iyo naqshadayn loogu gogol xaarayo tirakoobka dadka Puntland oo la filayo inuu si rasmiya u bilawdo bisha March ee sanadkan. Degmooyinka sahminta iyo naqshadaynta laga samaynayo ayaa gaaraya 37-degmo,waxaana kooxaha sahminta soo dhaweeyey qayabaha bulshada ee deegaanadaas ku nool. Gobolada Haylaan iyo Sanaag oo aan la xiriirnay ayaa kooxaha sahamintu ay noo shegeen inay hawshu si fiican ugu socota,iyagoo xusay inay gaareen degaano aan hore maamulku u gaarin. Madax kooxaha u baxay Sanaag iyo Haylaan Siciid Cabdulaahi Uurcad oo la hadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in Deegaanada ay hawsha ka hayaan ka mid tahay deegaanada hoos taga magaalada Ceerigaabo. "Degmooyinka aan u xilsaaranahay ee hawlaha ka qabanay ayaa ah degmooyinka gobollada Haylaan & Sanaag,waxaana ka mid ah Baran,Xingalool,Fiqifuliye, Laasqoray,Dhahar,Xingalool iyo Buraan. Uurcad ayaa sheegay in hawlaha Naqshadaynta & Sahamintuba ay guul ugu socdaan aysan jirin wax caqabada oo ka hortimid. Halkan ka dhageyso Wareysiga CabdiQani Irbad la yeeshey Uurcad Quote Share this post Link to post Share on other sites