Sign in to follow this  
Haatu

Dowlada Wadanka Ciraaq Oo Malaayiin Doolar Ugu Yaboohday Dowlada Soomaaliya

Recommended Posts

Haatu   

Baqdaad(RBC Radio) Dowlada wadanka Ciraaq ay dalka Soomaaliya ugu yaboohday malaayiin doolar oo deeq ah lacagahaas oo loogu tala galay in waxlooga qabto horu marinta adeegyada bulshada wadanka Soomaaliya shir ay yeesheen golaha wasiirada wadanka Ciraaq ayaa waxaa lagu go’aamiyey in dalka Ciraaq uu dowlada cusub ee Soomaaliya ugu deeqo 29 milyan oo doolar taasoo lagu hor marinayo adeegyada bulshada wadanka Soomaaliya.

Lacagata ayaa waxaa la sheegay in wasaarada maaliyada wadankaas lagu amray iney lacagtaas kusoo wareejiso wasaarada hawlaha guud ee dalka Ciraaq taasoo iyane u gacan galin doonto lacagtaas xuukuumada cusub ee Soomaaliya si ay wax uga qabato arimaha adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin dib u dhiska garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport iyo dib u dhiska goobaha waxbarashada magaalada Muqdisho iyo Cisbitaalada dadweynaha.

Lama sheegin xiliga rasmiga ah ee lacagtaas lagu wareejin doono dowlada Soomaaliya hadalka kasoo baxay dowlada Ciraaq ayaa imaanay kadib markii ay dhawaan soo gaareen wafti ballaaran oo ka socday dalka Ciraaq kuwaas oo ujeedka safarkoodu ahaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen marxalada dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha ugu horeeya ee u baahan in laga taageero dowlada Soomaaliya waxayna kormeer ku tageen goobo dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka heleysa taageero maaliyadeed iyo mid dib lamaasiyadeed oo is daba joog ah waxaana ay arintani daliil u tahay isbedelka dhabta ah ee ka dhacay wadanka Soomaaliya iyo sida ay aduunyadu ugu heelantahay gacan siinta dowlada cusub ee Soomaaliya oo 20 kadib ay heleen umada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

http://www.raxanreeb.com/2013/02/dowlada-wadanka-ciraaq-oo-malaayiin-doolar-ugu-yaboohday-dowlada-soomaaliya/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this