oba hiloowlow Posted January 31, 2013 Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maantana gaaray xarunta gobolkaasi ee Dhuusamareeb. Xildhibaannada oo ka ambabaxay Guriceel kadib markii ay kulammo la qaateen waxgaradka,siyaasiyiinta ,mas’uuliyiinta,maamulka degmada Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaga oo kala hadlay xaaladda guud ee ka jirta deegaannada ku dhow Guriceel iyo waxyaabaha ay dadku xiligan sida deg dega ah u daneynayaan si loogu soo gudbiyo Xukuumadda. Markii hadaba xildhibaannada ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi ayadoo dadweynaha Dhuusamareebna ay dhigeen banaanbax ay ku taageerayaan socdaalka Xildhibaannada ay ku marayaan gobolka Galgaduud qeybihiisa kala duwan. Xildhibaan C/naasir Gaarane Aadan oo la hadlay dadweynaha Banaabaxa taageerrada ah u muujiyey Xildhibaannada ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin sida sharafta leh ee loosoo dhaweeyey ayadoo taasina ay ka turjumeyso sida ay dadka reer Galgaduud xiligan u daneynayaan Dowladnimada Soomaaliya iyo hanaanka hormarka leh ee uu dalku ku talaabsaday xiligan. Hadaba Xildhibaannada Baarlamaanka ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxey kulammo kala duwan la qaadan doonaan maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi oo ay ugu horeeyaan Waxgaradka ayaga oo kala hadli doona xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka. Quote Share this post Link to post Share on other sites