oba hiloowlow Posted January 31, 2013 Wafdigan ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaana ay safar dhinaca dhulka ah ku mareen deegano badan, iyadoona ay goor dhow ay ka dhaqaaqen deegaanka shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Cabdi Faarax shirdoon iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay duhurnimada tagaan degmada Marka,halkaasi oo ah xudunta socodkooda,waxaana wafdiga ka mid ah wasiirka amniga,wasiirka gaashaandhiga iyo taliyeyaasha ciidamda booliska iyo Milatariga dalka. Ujeeadada ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo soo indheyn lahaa xaaladaha amniga iyo horumarka ee ka jira degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose,waxaana sidoo kale R.wasaaraha somaliya goobaha uu tagay kula kulmay dadka degaanadasi oo ka dhageystay baahiyaha deegaanka iyo xaalada amni. Ugu danbeytiina waa markii ugu horeysay oo Wafdi heerkan ah uu gaadho dhulka ku teedsan marka iyo shalaanbood oo horay uga arimin jireen xarkadda Al-shabaab,wafdiga ayaa la filayaa marka kulamadooda u soo dhamaadan in ay dib ugu soo laabmaan magalada Muqdisho. Calanka.com-Nairobi Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 31, 2013 PM Mudane Saacid Arrives in Shalanbood Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhow gaaray deegaanka Shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose. Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno. Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey kasoo ambabaxeen saakay magaalada Muqdisho ee Caasimadda ayadoo hadana wafdiga Ra’isulwasaaraha ay kusii jeedaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo Ra’isulwasaaraha uu kula kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee buslhada ku dhaqan magaalada Marka. Magaalada Shabaanbood waxaa Ra’isulwasaaraha kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelada Hoose waxaana socdaalka Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa uu salka ku hayaa u kuurgelidda xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan magaalada Marka . FAAH FAAHIN IYO SAWIRRO NAGA FILLO INSHA ALLAH RM Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 31, 2013 Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo safarkooda uu ahaa mid dhulka ah oo ay galbinayeen Kolonyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda. Ra'iisul Wsaaare Saacid oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirada Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga, Maaliyada, Warfaafinta, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidamada xooga dalka, Booliska, Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida iyo saraakiil ciidan. Safarka Ra'iisul Wasaaraha oo ah kii labaad oo uu ku tago gobolka Shabellaha Hoose ayaa horaantii bishan booqday degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-KM, iyadoo booqashadiisa magaalada Marka ay noqoneyso tii u horeysay. Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ay kula kulmeen dadka deegaanka degmada Shalanbood oo saaka halkaas ay gaareen, iyagoo kadib u gudbay magaalada Marka. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay wadada isku xirta Marka iyo Muqdisho, iyadoo ka hor inta aysan ka ambabixin magaalada Muqdisho qaar ka mid ah wadooyinka la xiray, taasoo dadka ay aaminsanaayeen in Madax ay soo dageyso ama ay ka dhoofeyso garoonka diyaaradaha Muqdisho. Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay wax badan kaga qabato arrimaha ka jira gobolada dalka, waxaana socda qorshayaal maamulo loogu sameynayo gobolada, kaasoo ka imaanaya dadka deegaanka, iyadoo dhowaan Wasaarada Arrimaha gudaha ku dhawaaqday in Maamulo KMG ah loo dhisayo Gobolada tan iyo inta dadka deegaanka maamul ay soo doortaan loo dhisayo. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted January 31, 2013 Great Pictures . Men at work, that is what we need. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 31, 2013 Macallinka, waftiga ninka ka dhex muuqda ma adigaa? Lol...I agree with you raggaan shaqo wanaagsan bay hayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted January 31, 2013 Abwan lol maya laakiin rag badan oo sxbaday ahaa baa jooga oo aan laga waynin meelahaan oo kale . SNTV iga daawo mar dhaw anoo xamar la igu soo dhawaynayo inshallah . :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites