Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

British Ambassadors to Ethiopia and to Somalia , on Somaliland..

Recommended Posts

“Somaliland Ma Aqoonsanin, Inkasta Oo Aan Ka War-hayno Dhibaatooyinka Ay Sheeganayaan” Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Matt Bough (Dhageyso)

 

Hargeysa (Ramaas) Jan 30,2013 – Safiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliya Matt Bough, ayaa ka hadlay dhawaaqii dawladdiisu kaga digtay xasiloonida Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixin kari waayay halista amaan daro ee dawladdiisu Somaliland ka sheegtay.

 

Safiirka Ingiriiska ee Somaliya Matt Bough, waxa kale oo uu ka hadlay Madax-banaani Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay in dawladda boqortooyada Ingiriisku aanay aqoonsanayn Somaliland, balse ay ka warhayso dhibaatada ay ka tirsanayaan dalkii Somaliya.

 

Matt Bough oo wareysi siiyay laanta Afka Somaliga ee Idaacada VOA ayaa isaga oo ka jawaabaya inuu faahfaahin ka bixiyo dhawaaqa dawladdiisu amaanka Somaliland kaga dayrisay yidhi “Faahfaahinta dheeraadka ah ee aan ka bixin karo arintan waa mid kooban, waxaan u sheegayaa (dadwaynaha), tallo-bixintayda dhinaca safarka ee ku daabacan website Wasaarada arimaha dibada, waxaanu halkaa ku cadaynay in xiligan loo safro Somaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka la eego halista gaarka ah ee la tilmaamay inay ku waajahan tahay dadka reer galbeedka ah ee Somaliland halkaasi jooga, waxaanu kula talinay dadka Ingiriiska u dhashay ee halkaasi jooga inay ka baxaan, laakiin faahfaahin intaa dheer kama bixin karayo, laakiin si dhib yar kumaano gaadhin (Go’aankaasi)”

 

Mr Matt Bough, waxa uu sheegay in dawladdiisu arintan ay wada-hadal kala yeelanayso Somaliland “Wada-hadal ku saabsan arintan ayaanu Somaliland kala leenahay, iyagga ayaanuna toos ugala xidhiidhaynaa, waxaana masuuliyad naga saaran tahay muwaadiniinta Britain u dhashay ee guud ahaan caalamka ku sugan, go’aanka lagu bedalay dhanka socdaalkuna muu ahayn go’aan si fudud iyo taxadar la’aan lagu qaatay, intaasi wixii ka baxsan Somaliland ayaanu kala xidhiidhaynaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in gooni isku taag iyo Madax-banaani Somaliland heshaa ku xidhan yahay Somalida “Siyaasadayada Somaliland ku aadani waa mid cad, haddana waa arin u taala Somalidu inay go’aan ka gaadhaan midnimada labada dhinac u dhaxaysa, dhinaca kalena waa hawl u taala midowga Afrika, mana jiro qorshe gaar ah ama go’aan Ingiriisku doonayo in lagu xaliyo, Somaliduna waxay awood u leeyihiin inay wada hadlaan, taasina waa mid sii kordhaysa, midowga Afrikana waxay leedahay ansixinta go’aanka Somalidu isku raacaan, iyada oo aan la wada hadlina xal ma imanayo, sanadkii hore ayaanu dhiirigalinay in la wada hadlo, aakhirkiina waa la wada hadlay, ilaa imikana taasi ayaanu taageraynaa”

 

Safiirka oo la waydiiyay sida dawladdiisu u aragto in Somaliya midowdo ama kala go’do, ayaa ku jawaabay “Somaliland ma aqoonsanin, inkasta oo aan ka war-hayno dhibaatooyinka ay sheeganayaan, laakiin Somalida ayay u taalaa inay go’aan ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka”ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Ingriiska U Fadhiya Dalka Itoobiya Oo Ka Hadlay Arrimaha Somaliland, Somalia iyo Djibouti.

Waxaan ku rajo weynahay In aanu xidhiidhkii Wacnaa ee Somaliland iyo Ingiriiska soo celino…

 

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Itoobiya, Greg Dorey,oo waraysi siiyaay Saxafiyada Dr.Moha Farah Jire ayaa sheegay inuu ku han-weyn yahay in si dhakhso ah loo soo celiyo xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland iyo Ingirriska. Safiirka oo Dr. Moha Farah Jire oo ah Saxafiyad Arimaha Africa iyo Caalamka u qaablisan Nabadgalyada, Diplomasiyada, Siyaasada ugu waramayey Adis Ababa waxa uu ka hadlay xanibaadii xaga socdaalak ee uu dalka Ingiriisku ku soo rogay socdaalista Somaliland ay ku tagayaan Muwaadiniinta Reer Ingiriis.

 

Amb. Greg Dorey oo ka hadlayey arrintaa waxa uu yidhi “Runtii Ingiriisku waxa uu aad ugu dhuun daloolaa wixii wel-wel ah oo ka dhacaya Qaaradda Afrika gaar ahaan Somaliland oo ay xidhiidh la leeyihiin ku saabsan Nabad gelyadda, Horumarinta iyo Saaxiibtinimadda guud.”

 

Safiirku waxa uu sheegey inay u shaaciyeen xanibaada socdaalka sabab la xidhiidha xuquuqda muwaadiniintooda oo ay tahay inay ku wer galiyaan khataraha Amni daro ee ay waajihi karaan, Amb. Dorey waxa uu yidhi “ waxaan aad ugu hanweyn nahay in aanu xidhiidhkayagii wacnaa ee Somaliland xukuumadeeda aanu la lahayn aanu soo celino,Somaliland waxan la leenahay xidhiidh wacan oo waaray , waxaanan ugu hanwey nahay in dhakhso loo soo celiyo walaaltinimadeenii wacnayd , waxaan sidoo kale ku hanwey nahay in Somaliland Mas.uuliyeenteedu ay yimadan shirka Somalia ee Uk Xukuumadeedu qaban qaabinayso, oo Somaliland iyo Somalia ba ay ka qayb gali doonaan, anaga oo jecel in ay Somalia siin doonto Xuquuqda Somaliland leedahay ee ay 20 ka sano inta ka badan ku soo caano maashey nabada waartey, iyo dimoqraadiyad doorashooyinka madaxweynayaasha laysku bedelay, waxaan isku dayi doona in wax kasta oo surto galinaya in shirka ay wada yimaadan”.

 

Safiirku waxa kale uu hambalyeeyey Dowlada Itobiya oo hogaaminta Jagada AU ga loo doortay oo uu tilmaamey inay hab sami u hanan karaan xilkan si taariikhi ahna uga nidho dhalin doono Gudoomiye Mr. Haile Mariam Desalyn.

Waxuu safiirka Ingiriiska Itoobiya u fadhiyaa xusay in Djibouti ay sanadkan bisha sadexaad ka yagleeli doonan xidhiidh quwad leh oo ujeedadiisu tahay in Guud ahaan geeska Africa wixii nabad galyada ku saabsan lagala xidhiidho Ethiopia iyo Djibouti oo ah udub dhexaadka Geeska Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this