Xaaji Xunjuf Posted January 28, 2013 Jamhuuriyadda Somaliland: Qaran ku Kalsoon Amnigooda January 28th, 2013 Bahal Iga Da’a weynoo Dad cun ahi ma Joogee Kuma didee Hargooloow Ha Igu Tumin Durbaanada Iyo Daasadaha Madhan (Abwaan Hadraawi) Waxaad moodaa in beryahan danbe in dagaal Nafsaani ah lagu soo qaaday Shacbiga reer Somaliland iyada oo sidii caadada u ahaan jirtay cadawga Somaliland ay af-labadii yeedhaan marka ay rajo beenaad yari meel uga soo bidhiiqdo! Yaa Xasuusta demdemtii iyo sawaxanka ka bixi jiray cadawga Somaliland maalmihii ama bilihii u horreeyay ee xilka soomaaliya loo cimaamaday Cali Mahadi, Cabdi qaasim, Cabdilaahi Yuusuf, Iyo Sheekh Sharriif? Eryada ay odhan jireen waxaa ka mid ahaa; Imika ayay u dhamaanaysaa Somaliland! Maxaydun yeelli dawlad baa soomaali u dhalataye, dadkiina soo raaca, imika ayaa idinka oo Ordaya aad iman doontaan…. erayadaas iyo kuwo ka sii xun ayaa badiyaa ka soo yeedhi jiray cadawga Somaliland. Maantana dhawaaqaas mid la mid ah oo caalwaa ah ayaa ka soo burqanaya afka buka ee cadawga Somaliland. Xaqiiqduse waxay tahay oo ay Taariikhdu ka marag kacday in ay Dabayshu ay qaaday kuwii sheeganayay Madaxweynayaasha Soomaaliya, halka ay Somaliland ka tahay Qaran jira oo dhismayay Dhaqaale ahaan, Siyaasad ahaan iyo Millatari ahaanba. Iyada oo Shacbiga reer Somaliland iyo Xukuumadiisuba ay soo dhawaynayaan in shacbiga reer Soomaaliya ay nabadgelyo iyo dawladnimo helaan, hadana dhinacooda markaad eegto wali waxaa ka muuqda inaan caqli badani u kordhin oo ay wali ku hadaaqayaan wixii ay ku hadaaqi jireen 22kii sanadood ee la soo dhaafay! Waxay la bootaalaysanayaan ama ay la birin-birqaynayaan Maraykan baa na Aqoonsaday.. na soo raaca.. Midnimadu waa muqqadas iyo erayo badan oo kale oo duugoobay oo ay isticmaalayeen tan iyo intii ay Somaliland jirtay. Waxay ahayd inay ku mashquulaan xasalinta nabadooda iyo dhismaha dalkooda, halka ay wakhtiga iskaga luminayaan Somaliland oo ah Qaran isku tashaday. Intaas hadaan ka yara gudbo, Qoraalka ay Wasaarada Arrimaha Debada ee UK ay ka soo saartay Somaliland, waa Qoraal lagu degdegay oo aan wax saamayn ah ku yeellan doonin arrimaha Nabadgelyada, Siyaasada iyo Dhaqaalaha Somaliland. Allah mahadi haka gaadhee Somaliland way ka soo gudubtay xilli ay saameeyn ku yeeshaan Siyaasado wadamo kale, Waana Qaran isku kalsoon oo awood buuxda u leh inuu ilaashado Amaankiisa, talaabo adagna ka qaado cid kasta oo isku dayda inay waxyeellayso Amaanka Qaranka Somaliland. Waxaan Shacbiga reer Somaliland ku baraarujinayaa inaanay dheg u dhigin dacaayadaha ay cadawgu ka fidinayaan Somaliland, waxaana lagama maarmaan ah in Shicib iyo Dawladba loo hawl galo sidii loo sii Xoojin lahaa Amaanka Dalkeena, dhirbaaxo culusna loogu dhufan lahaa cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato Amaanka, Dawladnimada iyo Madaxbanaanida Somaliland. Ugu Danbayn Amaanka Somaliland waa 100% waxaana u Carbisan Ciidamada Geesiyaasha ah ee Milattariga, Booliska, Sirdoonka, Badda, Asluubta oo kaashanaya Shacbiga Geesiyiinta ah ee reer Somaliland iyo Xukuumadooda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted January 28, 2013 ^^Tell that to the British government Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 28, 2013 Dee way ogyihin wayse is nasaqayaan:D Quote Share this post Link to post Share on other sites