Saalax Posted January 28, 2013 Reer Buuhoodle Oo Maanta Dhigay Mudaharaad Balaadhan Oo Ay kaga Soo Horjeedaan Dhaqdhaqaaqyo Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Ka Wado Halkaasi Buuhoodle (Ramaas) Jan 28,2013 – Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee Somaliland, ayaa maanta dhigay dibad-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Madaxwaynaha Puntland iyo siyaasiyiinta reer Buuhoodle ee u addeega. Dadwaynahan oo isugu jiray guud haaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Buuhoodle, ayaa ka Mudaharaadkan ka dhigay garoon ku yaala Magaalada Buuhoodle, iyagga oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin weedho lid ku ah Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo doonaya inuu Buuhoodle ka hirgaliyo hanaanka xisbiyada badan oo Puntland u wareegtay dhawaan. Mudaharaadayaasha ayaa si gaar ah carrabka ugu badinayey Mdaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre, oo ay sheegayeen inuu Buuhoodle ka wado dhaqdhaqaaqyo guracan oo siyaasadeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in xisbiyo laga sameeyo. Mudaharaadayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo haween, ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo horjeedaan isla-markaana ay ka mudaharaadayaan in Madaxwayne Faroole oo addeegsanaya ku xigeenka Cabdisamad Cali Shirre uu xisbiyo Puntland leedahay laga sameeyo Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada. Mudaharaadkan ayaa yimid ka dib markii maanta ay Buuhoodle gaadheen wefti ka yimid Magaalada Garoowe, kuwaasi oo doonaya inay halkaasi kaga dhawaaqaan xisbi siyaasadeed. Hore waxa Magaalada Buuhoodle u yimid xubno ka mid ah guddida doorashada Puntland, kuwaasi oo olole ka dhex bilaabay dadka deegaankaasi si ay u samaystaan xisbiyo siyaasadeed oo ka qayb-gala doorashadii la doonayey inay Puntland ka dhacdo, inkasta oo Madaxwayne Faroole muddo hal sano ah korodhso. Ramaasnews Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 28, 2013 http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Reer-Buuhoodle-Oo-Maanta-Dhigay-Mudaharaad-Balaadhan-Oo-Ay-kaga-Soo-Horjeedaan-Dhaqdhaqaaqyo-Madaxwayne-Ku-Xigeenka-Puntland-Ka-Wado-Halkaasi.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 28, 2013 Good news Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 28, 2013 PICTURES of anti garowe clan enclave protesters Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ciyaal Facili Posted January 28, 2013 waa la soo dhaweeyey Wafti uu Hogaaminayo Gudoomiyey Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland oo isagu Jira Golaha Wasiirada iyo Wakiilada oo Maanta lagu soo Dhaweeyey Buuhoodle una yimid inay Furaan Xisbiga Muxaafidka ee Horseed... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 28, 2013 Dadka mudaharadaya maxay ahayeen hada Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ciyaal Facili Posted January 28, 2013 masawir waa hore ayaa dhici karta iney tahey lakiin waxaa dhici karta dad yar iney isku soo baxeen oo mudaaaharaadaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted January 29, 2013 Expressing your views in a peaceful manner is not bad. PL should leave D to its own devices. Quote Share this post Link to post Share on other sites