Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Former President of Galmudug Kimiko arrives in Somaliland capital Hargeysa.

Recommended Posts

Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Galmudug Oo Safar Ku Jooga Magaalada Hargeysa Iyo Su’aalaha Socdaalkiisa La Iska Weydiinayo

 

Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha safarka siyaasigani Hargeysa ku joogo, laakiin.........

 

Hargeysa (GNS) - Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Somaliya ee Galmudug Mr. Maxamed Warsame Kiimiko, ayaa safar ku jooga magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Mr. Kiimiko, hadda wax xil ah ma hayo, waase siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelaha HAG ee dalka Somaliya.

 

Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha safarka siyaasigani Hargeysa ku joogo, laakiin dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ayuu ku sugnaa caasimadda Hargeysa.

 

Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu Mr. Kiimiko wax ka weydiiyo socdaalkiisa Hargeysa, ayaa ka gaabsaday inuu saxaafada la hadlo. Waxase la ogyahay in Mr. Kiimiko sannadkii 2006 ay dawladii Madaxweyne Rayaale ka celisay madaarka Hargeysa, isagoo doonayay inuu soo galo gudaha caasimadda isagoo ahaa Madaxweynaha Galmudug. Madaxweynihii hore ee Galmudug maanta ayuu ka dhoofayaa dalka.

 

Mr. Kiimiko, oo muddo dheer dawladii Siyaad Barre ka ahaan jiray wasiirka ganacsiga, waxa la sheegay inay xilligaas saaxiibo dhow ahaayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Lamana oga inuu la kulmay qaar kamid ah masuuliyiinta dawladda Somaliland mudadan uu Hargeysa joogay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this