Sign in to follow this  
Saalax

Dhaawacyada Maleeshiyaadkii Dagaalka La Galay Ciidamada Qaranka Oo Maanta Qaarkood Geeriyoodeen

Recommended Posts

Saalax   

Dhaawacyada Maleeshiyaadkii Dagaalka La Galay Ciidamada Qaranka Ee Jiida Xuddun Oo Maanta Qaarkood Ku Geeriyoodeen Buuhoodle

 

Buuhoodle (Ramaas) Jan 23,2013 – Cisbitaal ku yaala Magaalada Buuhoodle, ayaa ku hawlan daaweynta dhaawacyo dhowr ah oo shalay Maleeshiyaadka kooxda Khaatumo la baxday kaga dhaawacmay dagaalkii ay la galeen ciidamada qaranka Somaliland ee aaga Xuddun.

 

Cisbitaalka oo dhaawacyada qaarkood maanta galinkii dambe la gaadhsiiyay ka dib markii ay ilaa xalay Maleehsiyaadku ku hayeen aagaga ay ku dhuumaalaysanayaan, ayaa lagu waramayaa in qaarkood xaaladooda caafimaad aad u liidato.

 

Warka Ramaas ka helayso Buuhoodle, ayaa sheegaya in dhaawacyadaasi oo dhowr ah uu galabta mid ka mid ah ahi u geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay dagaalkii Maleeshiyaadku la galeen ciidamada qaranka, kaasi oo dhibaato badani ka soo gaadhay.

 

Dhaawacyada la geeyay Buuhoodle oo kooxda Khaatumo la baxday doonayaan inay ka gadoodaan shacabka maatida ah ee halkaasi ku dhaqan si marka ay cadhoodaan ay gacan ugu siiyaan nabadgalyo darada ay halkaasi ka wadaan, ayaa lagu soo waramayaa inay xaalada dadka rayidka ah wax ka badashay isla-markaana uu jiro dareen ka dhashay xaalada dhaawacyadaasi.

 

Dhanka kale, kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxday oo ka hadashay dagaalkii shalay ayaa qirtay khasaaraha soo gaadhay “Laba ilaa saddex nin oo askartayada ah ayaa ku dhintay dagaalkii Xuddun, gaadiidna waa lanaga qabsaday” sidaa waxa yidhi Axmed Karaash.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this