Gheelle.T Posted January 22, 2013 Innaa lillah Wa innaa Ilayhi raajicuun. Former Puntland Vice President has passed away this morning in Nairobi. llaahay eheladiisa sabur ha ka siiyo. Aamiin. Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Xassan Daahir Maxamuud 8Afqurac) ayaa habeenimadii xalay (21/01/2013) ku dhintey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ku xanuunsanaa bilihii u danbeeyey. Xassan Daahir Maxamuud ayaa ka mid ahaa dadkii wax ka asaasey Puntland sanadkii 1998, waxaana uu ka mid noqdey Xildhibaanadii u horeeyey ee Baarlamaanka Puntland isaga oo noqdey kuxigeenka kowaad ee Guddomiyaha Baarlamaanka. Marxuumka ayaa in muddo ah ku jiray Isbitaal ku yaala dalka Hindiya kadibna Naroibi ayaa la keenay, markii ay xaaladiisii ka sii dartay, waxaana uu jiifey Isbitaal ku yaala Nairobi oo lagu dabiibayey. Tariikhdiisii marxuumka oo koo ban ayaa ahayd in uu ku dhashay magaalada Ceerigaabo sanadkii 1946 wadankana ku dhameeystay ilaa iyo waxabarashadiisii sare kadibna waxa uu waxbarashadiisii Jaamacadeed ku soo bartay wadanka Ruushka isagoo soo qatay Shahaadada Engineering of Petroleum Geological kuna shaqeeyey muddo badan Waasaaradii Macdanta qaybteedii cilmibaarista, Marxuumka ayaa waxbrashadiisa sare ee Master Degree ka soo qaatay Magaalada Monterial Canada Jaamacad ku taal oo la yiraahdo McGill University oo uu sii dhameystery wax barashadiisii Petroleum Geological. Marxuum Xassan Daahir Maxamuud ayaa sanadkii 2005-2008 loo doortey Madaxweyne kuxigeen kadib Markii uu jagada Madaxweynaha ku guulesystey Cadde Muuse Xirsi. Bahda Horseed Media waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii Madaxweynaha iyo guud ahaan Bulshada reer Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 22, 2013 Ilaahay ha u naxariisto samir iyo imaan haka siiyo eheladisa iyo qarabadisa also AUN to the people of PL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wadani Posted January 22, 2013 AUN, samir iyo iimaanna haka siiyo eheladiisa iyo dadwaynaha Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted January 22, 2013 Ilaahi ha uu naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Waranle_Warrior Posted January 22, 2013 AUN, eheladiisana Samir iyo Iimaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 23, 2013 Allah haa u naxariistu Xassan Daahir Maxamuud Afqudhac, naf waliba maalin bey leedahay. Maamul Goboleedka Khaatumo State Oo Tacsi U Diray Eheladii Uu Ka Baxay Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee PL Marxuun Xasan Daahir AfQudhac Wasiir ku xigeenka wasaarada xidhiidhka debada iyo jaaliyadaha ee Maamul goboleedka Khaatumo Xasan Cali Jaamac oo la hadlayey warbaahinta ayaa tacsi u diray allaha ha u naxariistee eheladii, qaraabadii, iyo asxaabtii uu ka baxay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland marxuun Xasan Daahir Maxamuud (Af-qudhac) oo saaka ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii uu marxuunka maalmihii ugu dambaysay xanuun soo wajahay isla markaasna loo qaaday dhakhtar ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si loogu soo daweeye halkaasi. Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale tacsi taa la mid ah u diray bulsha weynta kasoo jeeda deegaanada Khaatumo, isagoona wasiir ku xigeenku illaahay ugu baryey marxuunka inuu naxariistii jano ka waraabiyo. Allaha ha u naxariistee madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland marxuun Xasan Daahir Maxamuud (Af-qudhac) ayaa inta badan lagu xasuustaa hawl karnimo, cadaalad, iyo gudashada wajibaadkiisa shaqo, waxa uuna ahaa qof illaahay ku xidhan dhanka cibaadada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Odey Posted January 23, 2013 Ina Lilahi Waina Ilayhi raajicuun. Ilaahey samir iyo iimaan ha ka siiyo Dhaman shacabweenaha soomaliyeed oo u ka dhintey, khaasatan shacabka Puntland oo u ahaa Madaxweene Kuxigeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted January 23, 2013 Alle ha u naxariisto jano fardowsana haka waraabiyo marxuumka. Qarabadiisana waxaan leeyahay samir iyo iimaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted January 23, 2013 Innaa lillaahi wa inna ileyhi raajicuun. Ilahay ha u naxariisto M/weyne ku xigeenka hore ee Dowlada Puntland. Amiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted January 23, 2013 Three days of mourning declared in Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted January 23, 2013 Somalia: Puntland leaders send condolences for death of former Vice President 22 Jan 22, 2013 - 11:02:25 AM GAROWE, Somalia Jan. 22, 2013 (Garowe Online) - The leaders of Somalia’s Puntland government have sent condolences for the death of former Puntland Vice President Hassan Dahir Mohamud (Afqura), Garowe Online reports. Hassan Dahir Mohamud (Afqura) - the late former Vice President of Puntland State of Somalia The late vice president of Puntland died of an illness in Nairobi overnight Monday. Puntland President Abdirahman Mohamed Farole, who is currently on a visit in Djibouti, sent condolences to the family, friends and to the people of Puntland. Puntland Vice President and Acting President Gen. Abdisamad Ali Shire told reporters in the Puntland capital of Garowe on Tuesday that the late Vice President was "a man of integrity", while noting that the Puntland state flag would fly at half-mast for three days in honor of the late Vice President. The late leader, Hassan Dahir Mohamud (Afqura), served his term as Vice President of Puntland between 2005-2008, during the term of former Puntland President Gen. Adde Muse Hersi. Mr. Hassan Dahir also served for six years as a Member of Parliament in Puntland. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites