Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Dr Gaboose will join the Wadani Party Tomorrow

Recommended Posts

Dr Gaboose Iyo Ururkiisii Umadda Oo Barri Ku Biiraya Xisbiga WADDANI

 

Hargeysa (Ramaas) Jan 21,2013 - Munaasibad ay ku bahoobayaan ama lagu midayno Xisbiga WADDANI iyo Ururkii Doorashada Golayaasha deegaanka ku hadhay ee UMADDA ayaa maalinta barri ah ka dhacaysa Magaalada Hargeysa, taasoo lagu qabanayo Huteelka Ambasador.

 

Sidaasi waxa Xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan Xisbiga WADANI oo sheegay in la soo gaadhsiiyay Kaadhka Casuumada Xafladaasi, kaasoo intaasi ku daray in sida uu warka ku hayo Madaxdii Ururka UMADDA iyo qayb ka mid ah Taageerayaashoodii xafladaasi lagu soo dhaweyn doono.

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay Xafladaasi ka wada qayb-gelayaan Hogaamiyayaasha labada dhinac ee Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyihii Ururka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, kuwaasoo maalmahanba la hadal-hayay inay isku biirayaan, laakiinse aanay dad badani aaminsanayn arintaasi.

 

Hadal-haynta isku biirista Ururka UMADDA iyo Xisbiga WADANI ayaa dadka qaarkii lama filaan ku noqotay markii ay soo baxday, maadaama fikradaha labadan siyaasi laga aaminsanaa wakhtigii Ururnimada ay aad u kala fogaayeen, iyadoo talaabada ay hada qaadeen meesha ka saari doontaa su’aashii la iska waydiinayay halka Siyaasiga Maxamed Cabdi Gaboose mar kale kaga soo biiri doono Saaxadda siyaasadeed.

 

Ururka UMADDA ayaa ka mid ahaa Ururadii ay Xukuumaddu aadka uga baqaysay inay u soo baxaan Kaalinta Xisbnimo, waxaanu ahaa ururka kaliya ee mucaarid toosa xukuumadda kala hor-yimi isagoon ka gudbin Biriijkii adkaa ee Doorashada Deegaanada iyo Asxaabta Qaranka.

 

Dhanka kale, Xisbiga WADDANI ayaa tan iyo markii la aasaasay lagu Xaman jiray inuu Xukuumadda Xidhiidh siyaasadeed oo dhaw la leeyahay, taasoo dadka arimaha siyaasada ku foogan qaarkood kaga dacaayadeeyaan Fagaarayaasha.

 

Sidaasoo ay arimuhu yihiin, haddana Xaflada barri dhacaysaa oo loo wada dheg-taagayo weedhaha ay ka jeedin doonaan labada hogaamiye ee afkaartoodu aadka u kala fogtahy, waxay dhinaca kale Kaaf iyo kala dheeri ku noqonaysaa aragtiyihii laga aaminsanaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi-laahi (Cirro) iyo Xisbigiisa WADDANI iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Ururkiisii UMADDA.

 

Waxa dad badani isweydiinayaan ma Gaboose iyo Saaxiibadiisii Mucaaridka fog ahaabaa Tanaasulay iyo Mise Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga WADDANI ayaan sidii la moodayay ahayn oo Mucaaridad qayaxan u badheedhaya sanadaha soo socda, wallow aan la dafiri Karin inay Xisbiga WADDANI isagoo urur ah ku biireen qaar ka mid ah Kaadiriintii Xisbiga UDUB oo halkii uu xisbiyada kaga jiray Xisbigani buuxiyay

 

Isweydamaha noocan ah waxa ka sii culus oo iyana meesha ku jirta haddii aanay arintu isu-tanaasul ahayn oo labada dhinac mid waliba halkii lagu tirinayay ama fikradii laga aaminsanaa ku taagnaado, balse talaabadan hadda la qaaday ku koobantahay kala hororsi iyo gabbood raadis, sida ay ugu heshiin doonaan garoonka WADDANI.

 

Si kastaba ha ahaatee wax kasta oo maanka lagu hayay iyo muuqaal kasta oo ay lahaayeen labada siyaasi ee isku Gobolka ka soo jeedaa, maanta ayay ku kala cadaan doonaan Munaasibada ay ku bahoobayaan, taasoo xataa laga dheehan doono Saami-qaybsiga Gaboose laga siiyo Xisbiga gudihiisa oo fursad weyn u ah isaga laftiisa, isla markaana qayb libaax u muuqan karta maadaama uu noqonayo Ururkii ugu horeeyay ee Xisbi ku biira afartii Urur ee hadhay.

 

Waxaana xusid mudan oo aan marnaba meesha ka maqnayn in Boqolkiiba siddeetan Taageerayaashii Ururka UMADDA ee Gobolada bariga ay awalba khasab ku ahayd inay taageeraan Xisbiga WADDANI oo ahaa Ururka labaad ee ay ku xisaabtamayeen haddii UMADDU dhaco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waddani Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah U Qabtay Dr Gaboose iyo Ururkiisii UMADDA Oo La Midoobay

 

Hargeysa (Ramaas) Jan 22,2013 – Xisbiga Waddani ayaa maanta Munaasibad soo dhawayn ah u qabtay Dr Gaboose iyo ururkiisii UMADDA oo la midoobay.

 

Munaasibada oo ahayd mid ilyartu isqabatay ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiinta sarsare ee Waddani iyo UMADDA, Taageerayaasha labada dhinac iyo waliba dad kale oo aad u tiro badnaa.

 

Waxa khudbado ka jeediyay siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay Guddomiyaha ururkii RAYS ee doorashada ku hadhay Xasan Gaafaadhi iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo bogaadiyey cudada Waddani iyo Umaddu isku geeyeen.

 

Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in markii ururkoodii hadhay ay go’aansadeen inay la midoobaan Waddani si aanay dhibaatadii jirtay mid kale ugu sii darin.

 

Dr Gaboose, waxa kale oo uu ka hadlay Kaalinta Mucaaradnimo ee Waddani, Musharaxnimada Guddoomiye Cirro iyo arimo kale oo badan.

 

Gabogabadii ayaa Guddoomiye Cirro iyo Dr Gaboose waxay kala saxeexdeen heshiis dhigaya sida wax loo wada leeyahay.

 

La soco warkan oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this