Saalax Posted January 21, 2013 Xasan sheekho war la’aanbaa ku haysa, taariikhda dib ku raac shacabka reer Somaliland cid ay uga daba fidhiisayayaa masiirkooda majirto, markii ay calanka keeneena warla’aan iyo aqoon la’aan ayaa haysay, oo warla’aanbaa colhodaybay ahyeen. Shacabka reer somaliland waxay naf iyo maal ku bixiyeen doonista shata (5) somaliyeed, marki ay mid soo heleena waxay noqotay nin ki yidhi inanta meherkeeda mar wixii iga gaadhay dib layso marin mayo. Shacabka reer Somaliland dib lo qiyaamayn maayo oo muumin laba jeer qod lagama wadada qaniino. Dadka walaalaha ah hay isku dirin nabarka ha damqin boqsadbuu ku dhow yahaye, shacab reer Somaliland waxay goosteen inanay cidna la bahoobin, mid hore u jirayna ma jiro. Somaliland iyo Somalia marnaba may midoobin. taariikhda dib u akhri taa waxa ku cadaynaya markii la siidaayey Col. Xasan Kayd iyo ragisi, ee uu xaakimki HAZALWOOD u yeedhay madaxdi waqtigaa joogtay kuna yidhih hadii aan inamadan had la siidayn midnamadiinu way burburaysa maxaa yeelay saraakiisha ayaa maxkamada ka hor cadeeyey inaanay jirin wax midow ah oo labada wadan galeen. Marku xaakimku u cadeeyeyna sababta burburka keenaysana waxa la siidaayey saraakiishi markaaba aragtay dulmika iyo xaqdarada ka soo socda hadii labada dal midowbaan, waxay noqdee laba dalk oo iskuba qaynuun ahayn. Ilaa saraakiishi qabsadee xaakimki oo ahaa ingiriis, oo ay ku yidhaadeen maxaad nagu xukumaysa ilayn laba dal oo midba mar xornimadiisa qaataybaan nahaye, wax midow ah oo sifo sharci marayna aan jirin haba yaraatee. Hadaba ninka leh Somaliland tixgeli qaar ah la siinmaayo waxaan leeyahay Somaliland tixgeli gaar ah iyo mid kale toona kaagama baahna. Waxaa la yidhi “riyo haday dib leeyihiin dabadooday ku qarin lahaayee” adeer Somaliland intaad iska ilowdo taada katali. Inti xukunka moqdisho soo martayba waxay iskaka mid yihiin fekerka qaldan ee ay iska dhaadhiciyeen inay Somaliland keeni karayaan. Horta Somaliland waxay xornimadeeda u soo martay ma karanayaan, xornamada Somaliland waa mid naf iyo maalba lo huray iminkana waa lo horayaa. Ninka xamar jooga waxba laga waydin mayo masiirka ummadda reer Somaliland wixii u ku hadlaana wa iska hadlow ina igare. Shacabka reer somalilandna waxaan leeyahay maraykan iyo xamartoona masiirkiina haga baqina. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 21, 2013 http://www.qarannews.com/2013/01/riyo-run-ma-noqotaa-somaliland-tixgelin-ugama-baahna-xasan-sheikh-muqdisho/ Quote Share this post Link to post Share on other sites