Saalax Posted January 21, 2013 Madaxtooyada Somaliland Oo Si Qabow Uga Hadashay Aqoonsiga Maraykanku Siiyay Somaliya Hargeysa (Ramas) Jan 21,2013 – Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay aqoonsiga dawladda Maraykanku siisay Somaliya, waxayna sheegtay in arintaasi aanay wax saamayn ah ku lahayn Somaliland. Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo maanta ka hadlayay Munaasibad Hargeysa lagu qabtay aya, ayaa sheegay in aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya ay ka weyn tahay waxa shacabka Somaliland doonayaan. Afhayeenka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya, xukuumadda Somaliland mowqifkeedu waxa weeyaan in aanay waxba ka badalayn Somaliland oo ay tahay mid aan ina khusaynin, oo aanay ahayn mid inaga saamayn inagu yeelanaysa” Afhayeenku waxa kale oo uu soo qaaday “Shacabaka Somaliland waxa laga filayaa inay taasi barbar istaagaan oo ay qadiyada ka shaqeeyaan, oo inaga oo mid ah, marxalad kasta iyo wax kasta oo ina soo food-saara yaanu shaki ina galin, oo aanu shaki inaga galin dadnimadeena, dawladnimadeena iyo waxa aynu doonayno, waayo waxa aynu doonayno ayaa wax walba ka weyn, waxa aynu doonayno ayaa midho dhal noqonaya”ayuu yidhi. Ramaasnews desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 21, 2013 http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Madaxtooyada-Somaliland-Oo-Si-Qabow-Uga-Hadashay-Aqoonsiga-Maraykanku-Siiyay-Somaliya.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 21, 2013 Lol@ Si Qabow... Very classic title. Quote Share this post Link to post Share on other sites
x-madiino Posted January 21, 2013 oo ay tahay mid aan ina khusaynin, oo aanay ahayn mid inaga saamayn inagu yeelanaysa”. what does that mean? so called somaliland is INSIDE the somali map. i didn't get his point Quote Share this post Link to post Share on other sites