oba hiloowlow Posted January 16, 2013 Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Askar Loo Soo Qabtay Dil Iyo Waliba Kufsi Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ee ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay ilaa iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya. Askarta la dilaya ayaa waxaa maxkamadu ay sheegtay in loo soo qabtay danbiyo la xariira kufsi iyo waliba dil, isla markaana baaritaan lagu sameeyay ka dib uu ku cadaaday. Labadaan Askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya iyo waliba ciidamada Xooga dalka ayaa waxaa lagu toogtay barxada iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho. Halka uu ka dhacay xukunkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan cdowlada iyo waliba masuuliyiinta maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya. Xukunkaan ayaa noqonaya kii ugu horaysay oo maxkamadu ay ku filiyo askar loo soo qabtay falal la xariira in ay kufsi u geesteen Haweeb Soomaaliyeed. Madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya ayaa horay waxay amar ugu bixiyeen askarigii kufsi kula kacaa haweenay Soomaaliyeed in xukunkiisu uu noqdo dil, isla markaana dowlada aysan wax naxariis ah u samayn doonin. http://www.raxanreeb.com/2013/01/maxkamada-ciidamada-qalabka-sida-ee-soomaaliya-oo-xukun-dil-ah-ku-fulisay-askar-loo-soo-qabtay-dil-iyo-waliba-kufsi/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 16, 2013 Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka waabarigii hore dil toogasho ah ku fulisay labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada xooga dalka, kuwaasoo falal isugu jira Kufsi iyo dil geystay. Fagaaraha School Polizio ee Tiirka wax lagu toogto ayaa labada askari oo lagu kala magacaabi jiray Jamaal Axmed C/qaadir oo 23-jir ha oo dil u geystay nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Caddow lagu fuliyay dil toogasho ah. Sarkaal ka tirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in markii cadeyn iyo marqaati la horkeenay ay Maxkamada dilka ku xukuntay, isla markaana saakay ay ku fuliyeen dilka. Ninka labaad oo ka tirsanaa Ciidamada xooga dalka laguna magacaabayay Dable Cabdi Cismaan cali Magadn oo degmada Yaqshiid ku kufsaday gabar ayaa isna tiirka School Polizio lagu toogtay. Dilkan oo ah kii u horeeyay ee askari wax kufsada lagu fuliyo ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in la toogto qofkii kufsada haween Soomaaliya. Goobta uu ka dhacay falka dilka ah ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo amaanka goobta uu ahaa mid aad loo adkeeyay. Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay kiisas la xiriira kufsi oo laga soo sheegayay deegaanada Shabellaha Hoose, iyadoo rag ku labisan dareyska ciidamada ay jidka u galeen gawaari safar ah, kadibna haweeenki saarnaa kufsi u geystay. Xukunkan dilka ee ay fulisay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa loo arkaa tallaabo looga hortagi karo kufsi loo geysto haweenka, waxaana tani u muuqataa mid cadaalad ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nin-Yaaban Posted January 16, 2013 That's a good start. Quote Share this post Link to post Share on other sites