Haatu Posted January 14, 2013 Kn: Markii bilo ka hor lala wareegayay Kismaayo saxaafadda waxaa si weyn loo hadal hayay ereybixinta ah “Ciidamada Huwanta ah” oo loola jeedey kuwa Raaskaanbooni, kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM ee Kenya ka socda. Marka meel la’iska dhigo kuwa AMISOM, ee loosoo noqdo kuwa Soomaalida ah, waxa ay lahaayeen hogaan iyo darees kala duwan iyo waliba magac, laakiin maanta xaaladda waa mid siweyn oga duwan dhan kasta. KismaayoNews oo u kuurgashay xaaladda ciidamada xiriirka ka dhaxayso, waxa ay warka kusoo gunaanadeysaa ereybixinta ah “Ciidamada Walaaloobey”. Micnaheedu ma ahan in markii hore aysan walaalo ahayn, ee micnaha waxa uu yahay in ay meesha ka baxayaan dhamaan waxyaabihii kala sooci jirey. Kaliya isku ma aysan dhex darsamin ciidamada, ee sidoo kale dareeska ayay isweeydaarsadaan, waxaadna arkaysaa askar xiran dareeska Raaskaanbooni, halka aad arkaysid ciidamada Raaskaanbooni ka tirsan oo xiran dareeska tuutaha ah ee ciidamada militariga. Qoryaha waa kuwa kala qaata, rasaasta waa kuwa isa siiya, raashiinka waa kuwa isla cuna, hawlgaladana waa kuwa wada fuliya. Dhan kasta ciidamada waa kuwa isku dhafan oo ay adagtahay in la kala saaro. Arrintani waxa ay yareysay wixii khilaaf iyo ismaandhaaf ahaa ee ka dhex dhalan lahaa, waxayna kordhisey wadashaqayntii. Waxaa arrintani suurogaliyey maamulka Kismaayo oo laftiisa isku dhaf ah, islamarkaasina ciidamada ku hanuuniyey in ay jaal wanaag noqdaan. KismaayoNews.com http://kismaayonews.com/2013/01/14/kismaayo-ciidamada-walaaloowbey/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted January 15, 2013 Kaliya isku ma aysan dhex darsamin ciidamada, ee sidoo kale dareeska ayay isweeydaarsadaan, waxaadna arkaysaa askar xiran dareeska Raaskaanbooni, halka aad arkaysid ciidamada Raaskaanbooni ka tirsan oo xiran dareeska tuutaha ah ee ciidamada militariga Ilaahay ha isku dhex daro..raas koomboyinka maxaa u diiday inay tuutaha la qaataan walaalahood?mise kenyatigaa u diiday? Quote Share this post Link to post Share on other sites