Sign in to follow this  
Haatu

Kismaayo : Ciidamada walaaloobey

Recommended Posts

Haatu   

Kn: Markii bilo ka hor lala wareegayay Kismaayo saxaafadda waxaa si weyn loo hadal hayay ereybixinta ah “Ciidamada Huwanta ah” oo loola jeedey kuwa Raaskaanbooni, kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM ee Kenya ka socda.

 

Marka meel la’iska dhigo kuwa AMISOM, ee loosoo noqdo kuwa Soomaalida ah, waxa ay lahaayeen hogaan iyo darees kala duwan iyo waliba magac, laakiin maanta xaaladda waa mid siweyn oga duwan dhan kasta.

 

KismaayoNews oo u kuurgashay xaaladda ciidamada xiriirka ka dhaxayso, waxa ay warka kusoo gunaanadeysaa ereybixinta ah “Ciidamada Walaaloobey”.

 

Micnaheedu ma ahan in markii hore aysan walaalo ahayn, ee micnaha waxa uu yahay in ay meesha ka baxayaan dhamaan waxyaabihii kala sooci jirey.

 

Kaliya isku ma aysan dhex darsamin ciidamada, ee sidoo kale dareeska ayay isweeydaarsadaan, waxaadna arkaysaa askar xiran dareeska Raaskaanbooni, halka aad arkaysid ciidamada Raaskaanbooni ka tirsan oo xiran dareeska tuutaha ah ee ciidamada militariga.

 

Qoryaha waa kuwa kala qaata, rasaasta waa kuwa isa siiya, raashiinka waa kuwa isla cuna, hawlgaladana waa kuwa wada fuliya.

 

Dhan kasta ciidamada waa kuwa isku dhafan oo ay adagtahay in la kala saaro.

 

Arrintani waxa ay yareysay wixii khilaaf iyo ismaandhaaf ahaa ee ka dhex dhalan lahaa, waxayna kordhisey wadashaqayntii.

 

Waxaa arrintani suurogaliyey maamulka Kismaayo oo laftiisa isku dhaf ah, islamarkaasina ciidamada ku hanuuniyey in ay jaal wanaag noqdaan.

 

KismaayoNews.com

 

http://kismaayonews.com/2013/01/14/kismaayo-ciidamada-walaaloowbey/

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Kaliya isku ma aysan dhex darsamin ciidamada, ee sidoo kale dareeska ayay isweeydaarsadaan, waxaadna arkaysaa askar xiran dareeska Raaskaanbooni, halka aad arkaysid ciidamada Raaskaanbooni ka tirsan oo xiran dareeska tuutaha ah ee ciidamada militariga

 

Ilaahay ha isku dhex daro..raas koomboyinka maxaa u diiday inay tuutaha la qaataan walaalahood?mise kenyatigaa u diiday?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this