Saalax Posted January 14, 2013 Dhagayso Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay inay bilaabi doonto Canshuur qaadista Dakada Kismaayo iyo Marka Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Xassan Sulaymaan oo warbaahinta Dowladda la hadlayay ayaa sheegay Dhawaan in la bilaabi doono qaadista Canshuurada, waxaanna uu xusay wasiirku in laga qaadi doono Canshuurta dakadaha Magaalada Kismaayo iyo Marka.Wasiirka ayaa xusay deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab e iminka gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya in ay wasaarada Maaliyadu ka bilaabi doonto Canshuur qaadis. Dhanka kale Wasiirka ayaa beeniyay Dowladda Soomaaliya inay keentay lacago ay leedaha Soomaaliya kuwaasoo lagu soo sameeyay dalka Suudaan, waxanaa uu xusay in ay jirto lacag ay leedaha Soomaaliya oo lagu sameeyay Sudan isla markaasina ay xukuumadihii ka horeeyay howsheeda galeen, waxaana uu intaasisiiraaciyay iminka inaysan lacagtaasiSoomaaliya gudaheeda oolin. Hoos ka dhagayso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 14, 2013 http://horufadhi.com/2013/01/14/dowladda-soomaaliya-oo-shaacisay-inay-bilaabi-doonto-canshuur-qaadista-dakada-kismaayo-iyo-marka/ Quote Share this post Link to post Share on other sites