Haatu Posted January 12, 2013 Kn: Magaalada Hargeysa Yareey waxa ay ka tirsan degmada Jillib ee Gobolka Jubbada Dhexe, waa magaalo muhiim ah xagga wax soo saarka beeraha. KismaayoNews oo u kuurgal ku samaysay magaaladani, waxa ay qormadani ku ifineysaa arin la xiriirta dhibaato halkaasi ka jirta, misne maad leh. Kaneecada iyo Kareetooyinka Bal malee oo qiyaas waxa iska quseeya kaneeco iyo kareeto? haddii ay hal xiraale tahay abaalmarin lagu helayo dadka qaar ayaa ku jawaabi lahaa “kareetooyinka ma kaneecada ayaa lagu rartaa?” Cayayaanka kaneecada ama dhilmaanyada waa mid ka jirta Soomaaliya, waxayna keentaa cudurka duumada ama malaariyada, balse Hargeysa Yareey iyo deegaanada wabiga ku teedsan xaalku wuxuu gaaray heer aanan la malayn karin. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu qosolka badan ee Kaneecada ay sababta u tahay ee deegaankaasi waxaa ka mid ah kareetooyinka. Adiga oo meel socda ayaad waxaad meel kore ka arkeysaa qaac “tul, tul, tul” leh, sida aad isu leedahay meel ayaa gubanaysa, mise gaari qanax ah ayaa soo socda, ayaa waxaa jirka kaaga soo horbaxaya kareeto uu dusheeda qaac ka baxayo. Alla maxaa yaab iyo amakaag ah, waxaa ku galeysa toloow ma matoorbaa ku xiran kareetada mise neefka ayaa loo uuminayaa? Dadka beeralayda ah ee deegaanadaasi waxa ay kareetooyinka ku xiraan dibida ama looda labka ah, lo’dana caadi ahaan waa mid aad ugu nugul dhamaan qaniinka oo dhan, sidaasi darteed koombo dhuxulo lagu ridey ayaa la suraa kareetada, kadibna inta geedo lagu guro ayaa la qaaciyaa, si qaacaasi uu kaneecada oga celiyo neefka kareetada ay ku xirantahay. Riyaha iyo Maro Kaneecada Waa arrin kale oo layaab leh, dadka deegaankani ma dhaqdaan xoolo badan sababtuna waxay tahay qaniinka badan. Mararka qaarkood waxaa dhacda in xoolo la geeyo halkaasi si kawaanka loogu qalo, dadkuna waxa ay doonayaan in ay cunaan hilibka xoolo caafimaad qaba, sidaasi darteed waa in neefka la qalayo aad loo daryeelo ka hor inta aanan mindida lala tiigsan. Dadku waxa ay xirtaan maro kaneeco ama Shandarwo si ay kaneecada oga galaan, taasina ma ahan mid layaab leh, laakiin waxaad arkaysaa arigii oo isna maro kaneeco loo xirey oo kaaga darane ariga sidii isaga oo garasho dad leh, ayuusan ku tiirsanaynin marada loo xirey, inta dhexta istaagaan ayay halkaasi fariisanayaan ama taagnaanayaan caawo oo dhan iyagoo iska dhoowraya kaneecada meel ay kasoo gaari karto. Qaniinka Noocyo kala duwan oo qaniinka ah ayaa deegaanadaasi ay caan ku yihiin, waxaa ka mid ah Gandiga, Kaneecada, Dhuugga, Takarta iyo kuwa kale oo badan kuwaasoo dhamaantood duula oo baalal leh. Waxa ay dhibaato xoog leh ku hayaan dadka iyo duunyada, waxaa ka dhasha cuduro iyo xanuuno kala duwan, iyada oo ay yartahay daweynta ay helaan. Bukaanada ugu badan ee booqda isbitaalka hey’adda MSF ee Warshaddii Sokorota Mareerey waa kuwa la ildaran duumada iyo xanuuno kale oo laga qaado qaniinka. KismaayoNews.com http://kismaayonews.com/2013/01/08/kaneecada-iyo-kareetooyinka-hargeysa-yareey/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted January 12, 2013 haatu, is this magaalo inhibited by the lost children of isaack? some of my uncles have lived in these ''heart of darkness-type'' regions for almost 90 year now and were last heard to be in Baidoa. does the bbc still do its baarfin programmes horta? i want them back. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted January 12, 2013 Your guess is as good as mine. Ask XX. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted January 12, 2013 Haatu;907587 wrote: Your guess is as good as mine. Ask XX. he's pro government. can't really trust his propaganda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted January 12, 2013 he's from erigabo and hates hargeisians with passion. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 13, 2013 Lol...I heard about this district last city.....XX soo Jubbaawi ma noqoneysid adna? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 13, 2013 Waa xeradii Qaxootiga ee Carafaat ku dhashay ,,,,, XX na xamaalka ka ahaan jiray Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 13, 2013 Loooooool....JB, adna qaadka ayaad keeni jirtey soo maahan? just Admit that was a good goal.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted January 13, 2013 U malaynmaayo in JB shaqadiisa diidan yahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 13, 2013 Taleexi, oo hadduu shaqadiisa diido yuu shaqadiisa qaadanayaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites