Sign in to follow this  
Haatu

Kaneecada iyo Kareetooyinka Hargeysa Yareey

Recommended Posts

Haatu   

Kn: Magaalada Hargeysa Yareey waxa ay ka tirsan degmada Jillib ee Gobolka Jubbada Dhexe, waa magaalo muhiim ah xagga wax soo saarka beeraha.

KismaayoNews oo u kuurgal ku samaysay magaaladani, waxa ay qormadani ku ifineysaa arin la xiriirta dhibaato halkaasi ka jirta, misne maad leh.

 

Kaneecada iyo Kareetooyinka

 

Bal malee oo qiyaas waxa iska quseeya kaneeco iyo kareeto? haddii ay hal xiraale tahay abaalmarin lagu helayo dadka qaar ayaa ku jawaabi lahaa “kareetooyinka ma kaneecada ayaa lagu rartaa?”

 

Cayayaanka kaneecada ama dhilmaanyada waa mid ka jirta Soomaaliya, waxayna keentaa cudurka duumada ama malaariyada, balse Hargeysa Yareey iyo deegaanada wabiga ku teedsan xaalku wuxuu gaaray heer aanan la malayn karin.

 

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu qosolka badan ee Kaneecada ay sababta u tahay ee deegaankaasi waxaa ka mid ah kareetooyinka.

 

Adiga oo meel socda ayaad waxaad meel kore ka arkeysaa qaac “tul, tul, tul” leh, sida aad isu leedahay meel ayaa gubanaysa, mise gaari qanax ah ayaa soo socda, ayaa waxaa jirka kaaga soo horbaxaya kareeto uu dusheeda qaac ka baxayo.

 

Alla maxaa yaab iyo amakaag ah, waxaa ku galeysa toloow ma matoorbaa ku xiran kareetada mise neefka ayaa loo uuminayaa?

 

Dadka beeralayda ah ee deegaanadaasi waxa ay kareetooyinka ku xiraan dibida ama looda labka ah, lo’dana caadi ahaan waa mid aad ugu nugul dhamaan qaniinka oo dhan, sidaasi darteed koombo dhuxulo lagu ridey ayaa la suraa kareetada, kadibna inta geedo lagu guro ayaa la qaaciyaa, si qaacaasi uu kaneecada oga celiyo neefka kareetada ay ku xirantahay.

 

Riyaha iyo Maro Kaneecada

 

Waa arrin kale oo layaab leh, dadka deegaankani ma dhaqdaan xoolo badan sababtuna waxay tahay qaniinka badan.

 

Mararka qaarkood waxaa dhacda in xoolo la geeyo halkaasi si kawaanka loogu qalo, dadkuna waxa ay doonayaan in ay cunaan hilibka xoolo caafimaad qaba, sidaasi darteed waa in neefka la qalayo aad loo daryeelo ka hor inta aanan mindida lala tiigsan.

 

Dadku waxa ay xirtaan maro kaneeco ama Shandarwo si ay kaneecada oga galaan, taasina ma ahan mid layaab leh, laakiin waxaad arkaysaa arigii oo isna maro kaneeco loo xirey oo kaaga darane ariga sidii isaga oo garasho dad leh, ayuusan ku tiirsanaynin marada loo xirey, inta dhexta istaagaan ayay halkaasi fariisanayaan ama taagnaanayaan caawo oo dhan iyagoo iska dhoowraya kaneecada meel ay kasoo gaari karto.

 

 

Qaniinka

 

Noocyo kala duwan oo qaniinka ah ayaa deegaanadaasi ay caan ku yihiin, waxaa ka mid ah Gandiga, Kaneecada, Dhuugga, Takarta iyo kuwa kale oo badan kuwaasoo dhamaantood duula oo baalal leh.

 

Waxa ay dhibaato xoog leh ku hayaan dadka iyo duunyada, waxaa ka dhasha cuduro iyo xanuuno kala duwan, iyada oo ay yartahay daweynta ay helaan.

 

Bukaanada ugu badan ee booqda isbitaalka hey’adda MSF ee Warshaddii Sokorota Mareerey waa kuwa la ildaran duumada iyo xanuuno kale oo laga qaado qaniinka.

 

KismaayoNews.com

 

http://kismaayonews.com/2013/01/08/kaneecada-iyo-kareetooyinka-hargeysa-yareey/

Share this post


Link to post
Share on other sites

haatu,

 

is this magaalo inhibited by the lost children of isaack? some of my uncles have lived in these ''heart of darkness-type'' regions for almost 90 year now and were last heard to be in Baidoa. does the bbc still do its baarfin programmes horta? i want them back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this