Saalax Posted January 11, 2013 Illahay ha uu naxariisto. Guddoomiyihii Baanka Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi Nairobi (Ramaas) Jan 11,2013 – Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii baanka Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, ayaa goor dhawayd ku geeriyooday cisbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu saddex maalmood u dambeeyay xaalad caafimaad daro u jiifay. Marxuumka oo 15-kii sanadood ee u dambeeyay ahaa Guddoomiyaha Baanka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa xaalad caafimaad daro oo degdeg ah loogu qaaday dalka Kenya, halkaasi oo uu hadda ku geeriyooday. Marxuum Xayd, ayaa ahaa shakhsi caan ka ah inta badan dalalka Mandaqada Geeska Afrika, siiba dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu dhowr jeer socdaal ku yimid Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeeday. Marxuumka oo ay Wallaalo ahaayeen Marwada Madaxwaynaha Jabuuti Khadra Maxamuud Xayd, ayaa u geeriyooday dhiig Madaxa kaga furmay, waxaana la tilmaamay in qaliin maanta lagu sameeyay ka dib uu geeriyooday. Marxuumka ayaa waxa cisbitaalka Nairobi waxa ku booqday siyaasiyiin reer Somaliland ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Marxuumka ayaa la filayaa in maydkiisa loo qaado dhanka Caasimada Jabuuti oo aas qaran loogu samayn doono Alle ha u naxariistee. Ramaasnews Desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 11, 2013 http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Guddoomiyihii-Baanka-Jabuuti-Jaamac-Maxamuud-Xayd-Oo-Goor-Dhawayd-Ku-Geeriyooday-Magaalada-Nairobi.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 11, 2013 ilahay ha u naxaristu jamac Maxamuud xayd ilahay samir iyo imaan haka siiyo shacabka Djibouti. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted January 12, 2013 Inalilaahi wa inaa Ilaahi raajucuun. Alle ha u naxariisto Jamac Xayd aduunyo waa laga wada tagayaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abu-Salman Posted January 12, 2013 Aun, he was an independence militant too, from a well-known family; aas qaran is planned for tomorrow with the whole officials-traders elite... Quote Share this post Link to post Share on other sites