Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Casuumaaddii Liido

Recommended Posts

Subax hore markaan hurdada ka toosay, ayaan isku sii daayay Baarkii Kafeega. Waa mid aan ka cabo subax kasto, anoo indhaha marmaraya ayaan laba koob oo Kafee ah caajiska iyo hurdada iskaga qaaday, kaddibna xoogaa intaan jimicsaday baan emailkeygii dusha ka eegay, waa ay tiro badnaayeen, farriimaha ii yaalla se mid baan eegay Xamar buu ka yimi. Sida caadada ii ah Xamar waa aan ka horreysiiya fariimaha ka yimaada meelaha kale. Waa halkii aan ku dhashay, HAA. Waa halkii aan ku dhashoo isagaasaan u hor furay. Emailka salaan iyo ammaan badan oo la ii tixay kaddib, waxaa loo soo qoray si hagar la'aan ah, oo laab la kac iyo jil-jileec uu ka buuxo. Waa mid xammaasad iyo niyad wanaag ay isku bahaysteen ayna barbar socdaan aragtiyo aan meel fog wax laga eegayn. Inta badan Xamar baa lagu ooyayaa, waxba ma ahan, anba maalinkii ugu horreeyay ee aan maqlay in ay magaaladu ka xasilan tahay sidii hore ilmaa igu soo istaagtay farxad darteed. Haddana waan is celiyay, waxaana dib ka garwaaqsaday in ay badan yihiin hawlaha la iska rabo oo dhan walbaba leh, ee u baahan in dhexda loo xirto. Qofkii magalaadaasi ku dhashay ee hadde ku dhashay ee aan iska sheeganayn ee macaankeeda dhadhamiyay waxaaba uu malaha isa sii saari lahaa xil culus oo weyn. Haddaba sidaan u akhrinayay emailka waxaa ugu danbeyntii ugu tagay caasumaad sidaan u dhignayd:

 

 

“Walaal, Xamar raaxaa taal, inaad timaadid waaye, Kafee aad u macaan aan kugu casuumee, Xeebta Liido ayaa lagu geynayaa, sidoo kale Xeebta Jaziira ee Xamar ugu shidan ayaa laguugu casuumayaa, iskaga soo tag meesha balo qabtee aad intaasoo sano dhex taagnayd, dadkii oo dhan intii aan aqaannay magac ahaan iyo muuq ahaan waa la casuumay, ma waadan arkin sawirrada la iska soo qaado ee labada xeeb iyo Kafeeyada dhaar dheer iyo gaa-gaabba leh? Baashaal iyo tumasho, waxaa laga furay goobo qarsoon oo lagu baashaalo, waxaa laga furay meelo aysan dadku wada aqoon oo si la yaab leh loogu caweeyo, sidoo kale ilaa laba iyo saddex Hotel oo aad Yurub mooddana waa laga furay. Kaalayoo nala tumo, Garoonka diyaaradaha waa laguugu soo dhoweyn doonaa, waliba caleemo iyo ubaxyo ayaa laguu ruxi doonaa, oo dadkoo dhan ayaa laguu soo safi doonaa. Xamar waxaa ay noqon doontaa Xamarteedii hore oo waa la tumman doonaa.

Anigana warbixin kooban haddaan iska kaa siiyo Yurub waan ka raystay, waxaa shaqo la iga siiyay Madaxtooyada oo aan hadda maamulka ka mid ahay, sidoo kalena saaxiibteeyna waxaa ay la shaqeysaa Maamulka Gobolka Banaadir. Inkastoo aanan aad isku aqoonin adiga si guud maahee, waxaan arkay dhowr jeer wax qabadkaaga, sidaas darteedna waxaan jeclaaday inaan kula soo xiriiro oo aadan baashaalkaan ka maqnaan”

 

Waxaan go'aan ku gaaray inaan Emailkaasi ka jawaabo si hagar la'aan ah, si niyad ah, si run ah waxaan u qoray sidan:

 

Salaan kaddib, walaalo, ugu horreyn, waxaan kuugu hambalyeynayaa in shaqo wanaagsan lagaa siiyay Madaxtooyada. Shaqadaadaas cusub waa mas'uuliyad weyn, oo lagaa rabo inaad si ay ka muuqato danta dalka iyo dadka aad uga soo dhalaasho, haddaad sidaa ku hamminayso ama u fekereyso Hambalyo ayaan ku leeyahay kal iyo laab.

Waxaan kaaga mahadcelinayaa inaad iiga farxisay in ay xasillooni billaw ah ka jirto magaaladeydii Xamar. Waa war lagu farxaa kii iigu fiicnaa oo aan sannado sugaayay in ay mar dhegeheygu maqlaan. Ma garan karo si aan dareenkeyga ku aaddan farxaddaas u caabbiro, aad baanna usoo dhoweynayaa, inkastoo anigu ay ii kala duwan yihiin nabad iyo xasillooni. Kolka xigana ku mahadsanid casuumaadda aad iigu fidisay magaaladeydii, gaar ahaan Liido oo aad iigu soo qortay sidan: Xeebta Liido. Ogooweey, Liido haddii la tarjummo waa Xeeb oo afka Talyaaniga ayaa Xeeb lagu yiraahdaa Lido. Haddaba taasna maanka ku haay oo mararka danbee aad ila soo xariirto xusuuso in aadan isa soo raacin labadan; Xeebta iyo Lido.... Waxaa kaloo aan kuu raacinayaa in haddii aadan ogeyn aad haddaba ogaato Xeebta Jaziira kama tirsana Magaalada Xamar, maaddama aad in badan dalkii ka maqnayd haddana kaaga garaabi maayo in aadan dalkaaga kala aqoon, adigoo waliba ka shaqeeya Madaxtooyada dalka, waxaad ka baari kartaa Wikipedia haddii aadan qof bini'aadam ka rumeysan karin, ama waad Google gareyn kartaa, waxaa fiican in dadka si wanaagsan ay wax u bartaan, gaar ahaan dalkooda u bartaan si ay dadka kale oo dhan u sii bartaan, oo aan loo marin habaabin ummadda.

 

Intaas kaddib, waan u qaadan waayay, saw ta ay Xamar ahayd halkaan ku dhashay kuna barbaaray, goorma ayaa ay noqotay dal kale oo aan u dalxiis tago? Haddaan tago sow gurigeygii oo aan tagay maaha ama dib ugu laabtay? Maxaad is leedahay waan uga baahanahay in Garoonka Diyaaradaha dad la ii soo tubo ama caleemmo qoyan la ii ruxo? Maxaa loo soo lug goynayaa? Maxaad is leedahay way soo kordhinayaan? Waxaa kaloon is iri markaan arkay Emailkaaga; malaha dadka sida weyn u buun buuninayaa Xamar baan TAGAYEEY i maqlaay, i arkaay ma ahan magaaladoodii (ku dhasheen kuna barbaareen, dhadhamiyeen macaankeedii) oo waa ay u cusub tahay, oo waa kuwii Xamar jacaylka dartii nagula doodi jiray illaaba illaa waan ka imid, oo midh haddii laga weydiiyaana aan aqoonba u lahayn, malaa aan waligood lugta dhigin, malaa waa kuwa haddii la damco in la toosiyo magaalada oo si ay usii qurxoonaato haddii laga hadlo dadka xuubsan jiray? Malaha waa dad meelahaan kale ku wareeray oo jiho ay qabsadaan raadinaya se aanan kala jecleynba Xamarta iyo sideedaba? Qalad ha iga fahmin walaalo, Xamar waa magaalo dadka Soomaaliyeed oo dhan ay wada leeyihiin oo ka dhaxeysa, diyaarna u ah in ay wada qaabbisho, taasina anigu iyo inta ila midka ahba waxba kama qabaan.

 

Waxaan kaloo is weydiiyay, adna aan ku waydiin lahaa: oo dadku ma weynaan Kafee ku cabi jirin meelihii ay ka yimaadeen ee qurbaha? Malaha May, Mooyi.

 

Waxaan jeclaan lahaa anigu markaan imaado inaan ka billaabo inaan booqdo xaafaddeydii, asxaabta deggan, inaan indho indheeyo xaaladda guud. Waxaan cabi lahaa Shaadali oo kafeegii Yurub waa kaa iga hor yimid. Xalwo ayaan cuni lahaa. Canjeero iyo Beer baan ku quraacan lahaa. Muufo Tinnaar baan ku cashayn lahaa. Bajiyo iyo Basbaas, Bur iyo Sanbuuse iyo bataati ayaan raadsan lahaa. Mashmash iyo Gashaante baan doon dooni lahaa. I cun i calaanji caloosha i geey baan soo aruursan lahaa. Isbaandheys iyo Murcood baan goobi lahaa. Dhangaloow baan isha ka buuxsan lahaa. Nannac luubaani baan samayn lahaa. Caano Baraawe baan karin lahaa. Sissin baan suubbin lahaa, Garoor iyo Suusac baan qaboojin lahaa. Jallaato bac baan firinjeerka ka buuxin lahaa. Bambeelmo ayaan miiran lahaa. Galabkii Shaah baan ku casriyeyn lahaa, Xamar waxeedii baa iga badnaan lahaa, anigoo la jooga bulshada iyo xaafadda oo aan raadsan luuq aan habeenkii ka soo ciyaaro.

Si aan u xuso yaraanteydii gariir baan ciyaari lahaa, anbali baan ciyaari lahaa, kaddimay kaddim baan cammiran lahaa, Nacash nacasheey baan daawan lahaa, Ciyaar billaaw (Faraha ayaa qof kastaa tiro intuu qabsado oo gacmaha kor loo taago ayaa dhulka la dhigaa, qofkii tirada uu lahaa ay soo baxdo ayaa guulaystay oo markaas xukunka rida) baan ku illoobi lahaa hilloowgii aan in badan u qabay magaalada.

 

Waa kaas aniga xiisahayga. Uma baahdeen dhammaan inta aan Galbeedka ku arkay oo cunto leh oo caweys leh.

 

Waxaa kaloo tagi lahaa Xamar intii ay iyadu lahayd Shineemooyinkeedii, Tiyaatarkeedii, Maqaayadaheedii, Goobahedii shaaha, Ciyaaraheedii iyo Gurbaankeedii, Dhaqankeedii iyo Dhabteedii oo aan ku biiriyo wixii horumar ah ee wanaagsanna. Waxaan ku xisaabtami lahaa Laamiyadeeda iyo Jardiinooyinkeedii lagu sheekeysan jiray xaafadaha oo dhan. haddii ay wali nabad ahayna oo intaas aysan suuro-gal ahayna waxaan sheegi sheegi lahaa sida loo nabadeyn karo, waxaana si toos ah u wajihi lahaa marxaladda dhabta ah ee i hortaalla anigoo kaashanaya inta aragtidaas ila wadaagta.

 

Waxaan ka fekeri lahaa sidii loo dhisi lahaa dalka oo dhan iyo garaadkii dadka ee burburay sanadihii colaadda. Sida aan dhulka uga ilaaliyo saxarka dalkaan aan martida ku ahay oo aan isna jecelahay oo kale baan dhulka ka guri lahaa saxarka iyo wasaqda, Saraha hadda la soo sawiro ee la dhisay ayaan ku fekeri lahaa sida looga ilaalin lahaa wiiftada, kuwo cusuboo badanna loo sii dhisi lahaa.

 

Xeebta iyo luuqyada baashaalka dan kama galeen oo waxaan u arkaa xeebtaasi magac ahaan ku caan baxday Liido in Xamar ay ka weyn tahay, HAA. Way ka weyn tahay oo ka ballaaran tahay. Waxaan u arkaa madedaalo iyo been in xeebtaasi lagu koobo Xamar oo dhan. Aaway intii kale? Maan ka hadalno? Haddii ay jiraan caqabado inta kale ay u qarsoon yihiin maan isku sheegno si aan wax uga qabanno? Dhibaatooyinka jira maan wajahno? Maan dhisno? Maan hagaajinno? Maan qashinka ka xaarno? Intii ka xaartay xaafadaha qaarna aan sheegno oo qirno? Xasillooni haddii ay jirto oo aan wali nabaddii oo dhamaystiran la hayn maan ciidamadda dalka lacag u aruurinno? Maan inta wali qoryaha xambaarsan sidii looga dhigi lahaa isku sheegno? Maan intaas ka sheekeysanno iyo inta kalee ka muhiimsan tumashada?

 

Xamar ma magaalo dalxiis kaliyah loo tagaa mise qofkii run ahaan ay dhab ka tahay jacaylka uu u qabaa waa tii uu tageeri lahaa, wax ku biirin lahaa, wax ku kordhin lahaa. Ugu yaraan intii uu soo bartay inuu u faa’iideeyo dadkii intaasoo sanadood saxariirsanaa? Ma se ugu yaraan dalalkii shisheeye wixii wanaagsanaayee laga soo bartay ugu yaraan sida rinjiyeynta qofka gurigiisa la bari lahaa dadkeedu?

Waxaanna ila qumman inta wanaagsan ee aan ka barannay dibedaha in ay noqdaan waxa aan qaadeynaa ee aysan ku koobnaan kaliyah inta xun ama aanan loo baahnayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this