Saalax Posted January 5, 2013 Waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay koonfurta magaalada Gaalkacyo Wafdi ka socda Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobalada dhexe iyo Maamulka Galmudug. Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Col.Cabdi Qeybdiid iyo xubno kamid ah maamulkiisa iyo wafdiga ka socda dhinaca Ahlu Sunna Waljamaaca. Kulankan ayaa maanta diirada lagu saaray sidii labada dhinac ay meel isula dhigi lahaayeen qorshe la doonayo in maamul ay ku mideysan yihiin Galmudug iyo Ahlu Sunna looga sameyn lahaa gobalada Mudug iyo Galgaduud. Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa markii uu dhamaaday Saxaafadda u waramay afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca oo faah faahin ka bixiyo qodobadii laga hadlay iyo waliba go’aamo shirka kasoo baxay. Abdullahi Axmed Samatar oo kamid ah wafdiga Ahlu Sunna ayaa saxaafadda u sheegay in shirkan uu ahaa mid wadahadal ah oo diirada lagu saarayey sidii loo qaban lahaa shirweyne oo lagu mideenayo Galmudug, Ahlu Sunna iyo dhinacyada kale ee awooda ku leh gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya. “..Shirkan wuxuu ahaa mid isbarasho ah, waxaana xog isku dhaafsaday labada dhinac, Ajendayaasha laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii labada dhinac u midoobi lahaayeen, waxaa kaloo laga hadlay wakhtiga ama goorta la midoobayo, habka ugu haboon ee midowga, qeybaha wax la wadaaga ee shirka ka maqan sidii loo wajihi lahaa, shirweynaha goobta lagu qabanayo iyo wakhtiga uu dhacayo, in la magacaabo guddi farsamo iyo meesha uu ku shaqeenayo…” ayuu yiri afhayeenka Ahlu Sunna. Kulankii maanta ayaa lagu dhisay Guddi farsamo ayaa oo ka socda labada dhinac kaasi oo loo doortay inuu soo nidaamiyo Ajendaha shirkaweynaha, guddigan ayaa ka kooban lix xubnood. Horseed Media News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 5, 2013 http://horseedmedia.net/2013/01/05/galmudug-iyo-ahlu-sunna-waljamaaca-oo-doonaya-inay-midoobaan/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 5, 2013 good news Quote Share this post Link to post Share on other sites
United Somalia Posted January 5, 2013 And we are strongly loyal to Somalia's central government based in the capital Mogadishu Quote Share this post Link to post Share on other sites
Waranle_Warrior Posted January 6, 2013 This is good news, at least the fabrications of central Somalia is to end. Quote Share this post Link to post Share on other sites