Carafaat Posted January 5, 2013 http://horseedmedia.net/2013/01/04/voa-faaqidaada-todobaadka-xaaladda-puntland/ Idaacadda VOA ayaa barnaamijkeedaa faaqidaada Todobaadka ee baxay maanta 04/01/2013 ku soo qaadatay xaaladda Puntland, ee sii cakirmeysa, muranka ka taagan Puntland ayaan weli xal laga gaarin, waxaana weli diidan in wada hadal la furo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo hadda la soo baxay qorshe ah in 5 sano lagu doortey, Inta badan shacabka Puntland iyo nabadoonadoodu waa dhiibteen wixii la gudboonaa waxayna sheegeen in madaxweynaha lagu doortey 4 sano isla amraakana uu amaanadoodi u soo celiyo Isimada ayan weli door muuqda qaadan waxaana loo direy baaqyo kala duwan, mucaaradkuna ma lahan hadaf mideysan oo aan ka ahayn in 08 Jan 2013 la qabto doorasho. Sahra Ciidle oo ahayd weriyaha barnaamijkan daadihinayey ayaa sheegtey in ay xiriir la sameeyeen Xukuumadda Dr.Faroole laakiin qaarkood waa ka cudur-daateen in ay barnaamijka ka qaybgalaan, halka qaar kalena aysan ka jawaabeyn telefoonadooda. Tan iyo markii Madaxweyne Faroole beddalay qaabka damaciisu ku hirgalayo isla markaana yiri”..Wax naloo kordhiyey ma jirto ee 5 sano ayaa nala ku dooretey..” ayaa in badan oo kamid ah xukuumadiisa weji gabax ku noqotey qorshaha cusub ee Madaxweynuhu la soo baxay isla markaana ay ku adkaatey in ay difaacaan dooda cusub ee Madaxweynaha ee ah 5 sano ayaa nala ku doortey Barnaamikan waxaa ka qaybqaadanaya aqoonyahanada kala ah: Maxamed Cali Yusuf gaagaab 8Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland iyo Ismaaciil Adam Diiriye Agaasimihii hore ee hay’adda daryeelka bulshada Sidoo kale barnaamijka waxaa qayb ka ah mid kamid ah isimada Puntland Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Dhegaysi wacan Quote Share this post Link to post Share on other sites