Saalax Posted January 3, 2013 (Hadhwanaagnews) Thursday, January 03, 2013 Abwaan Saciid (Ilko-jiir) Maanta Shahaado Inagama Mudna ee waxay ahayd in aynu Taalo u dhisno, maadama Uu noqday Abwaankii ugu horeeyaya ee ka damqaday Cadaaladda Daradda, Dulmiga, iyo Eexashadda qabiilaysan, xasuuqa, xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo kula kacday Shacbiga reer Somaliland. Waxaa Hadaalka yidhi Guddomiyaha Ururka Somaliland Concern Group. Xafladd ay soo qaban qaabiyeen Ururka Somaliland Concern Group oo ka dhacay Galbeedka Magaalada London. Munaasibadaa ayaa waxa kasoo qayb galay aqoonyahano, abwaano iyo dhalinyaro ka kala yimi daafaha magaalada London, halkaasi oo xubnihii ka hadlay ay dhaamaantood ku dheeraadeen qiimaha uu abwaanku ku dhex leeyahay bulshada dhexdeeda , waxa kale oo ay xuseen kaalintii uu abwaanka qarnigu kulahaa is badalkii wadanka ka dhacay,wakhtigii Xukuumaddi Madaxweyne Riyaale, waxaanay ka sanqadhiyeen in xiligii uu abwaan siciid Kulmiye uu heesha guubaabada ah u samay nayay in uu ahaa abwaankii qarnigii,maanta markii uu tilmaamay tabaha qaloocan ee siilaanyana uu noqday nin kale,waxa kale oo ay abwaanka ku hanbalyeeyeen sida geesinimada leh ee u had iyo jeer abwaanku dulmiga aanu uga aamusin. Dhawr todobaad ka hor ayay ahayd markii uu abwaanka qarinigu sameeyay hees uu ku tilmaamayo habdhaqanka madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo ay heestaa si aada uga cadhoodeen taageerayaasha Madaxweyne Siilaanyo,waxana ka soo noqday fal celin aad iyo aad u fool xun iyada oo aanay u kala hadhin qolyaha xukuumada hayb ahaanta u taageera oo ay hanjabaad iyo handadaad isugu daray abwaankii ay heestani maskaxdiisa ka soo maaxatay. Waxaa isna goobta kahadlay Gudoomiyaha Ururka Somaliland Concern Group Mudane Axmed Yaasin wuxuna yidhi ?Abwaan Saciid (Ilko-jiir) Maanta Shahaado Inagama Mudna ee waxay ahayd in aynu Taalo u dhisno, maadama Uu noqday Abwaankii ugu horeeyaya ee ka damqaday Cadaaladda Daradda, Dulmiga, iyo Eexashadda qabiilaysan, xasuuqa, xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo. Waxanan filayaa in Abwaanku furi doona dariiqa in ay Abwaane kale kudaydaan? Waxaa Isna goobtaa hadalo kooban kazoo jeediyay Abwaan Siciid (Ilko-jiir) oo aad ugu mahadnaqay Ururka Somaliland Concern Group iyo dhalinyaraddii kale ee kazoo qaybgashayba wuxuuna balanqaaday Abwaanku in marnaba inuuna Xaqa lagabanayn cidna uga waabanayn, halgankiisa sugaaneed ee kudifaacayo cadalaadda uu siwadayo, wuxu kale Abwaan Siciid Ilko jiir uu goobta kusoo bandhigay Fariimo foonkiisa loogusoo diray oo loogu hanjabayo laguna caayayo, waxaan kala wareegay fariimihii iyo numbaraddi Ururka Somaliland Concern Group oo latiigsanaya sharciga dalkan Ingiriiska yaala oo ah hantidaad lagu hayo qof haysta sharciga Dhalashadda Ingiriiska. Madashan ay soo qabanqaabiyeen urur Somaliland Concern Group ( ururka danaha Somaliand) o ah ay kubahoobeen dhalinyaro kasoo jeeda dhinac kasta daafaha Somaliland ayaan iyadana lagu qorsheeyay sidii Ururka loobalaadhinlahaa waxna loogu qabanlahaa dadka Dulmin ee Xukuumadda Somaliland ay kuhayso caga juglaynta iyo Cadaaladda darada taasoo loosoo bandhigi doono Caalamka. Iyadoo laqorayo nuqulo iyo waraaqo Bulshadda Caalamaka (International Community) loo qaybinaayo. Ugu dan bayntii waxa abwaanka qaranka shaahado sharaf gudoon siiyay Gudoomiyaha ururka Somaliland Concern Group Md. Axmed Yaasiin Maxamed Jaamac. Waxaa gabagabadii Xafladda Ururka Somaliland Concern Group iyo dhalinyaraddii kazoo qaybgashay waxay Balanqaadeen in ay Markasta Garab taaganyihiin Abwaan Siciid (Ilko Jiir) taageero Hiil iyo garab ahna Lagarab taaganyihiin. Fiiro Gaara: Ururka Somaliland Concern Group waa Urur kashaqeeya Danaha reer Somaliland dhiirigalinaya Nabadda, Midnimadda iyo Cadaaladda. Ururku wuxuu wax uqabanayaa Ummadda Xukuumadda Somaliland ay Dulminayso Maalinkasta iyadoo U adeegsanaya Dhamaan waxkasta oo Lagu toosin doono Xukuumadda Somaliland. Waxaad Kalsoo xidhiidh kartaa Emails Guddomiyaha Ururka Somaliland Concern Group Ahmed Yassin Xoghayaha Guud ee Ururka Somaliland Concern Group Cabdi Aden Cade (Ina Aden Cade) Amaba Emailka Guud ee Ururka Quote Share this post Link to post Share on other sites