Xaaji Xunjuf Posted January 1, 2013 Hambalyo Hambalyo – Mayerkii Saylac iyo Ku Xigeenkii oo Imika La Dhaariyey Posted on January 1, 2013 by lugta SAYLAC – Waxa hadda la dhaariyey Mayerkii Hussein Iidle Barkhadle iyo ku xigeenkiisii Sacad Dahir Cige: Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu hawsha u dhibyareeyo ayey shacabka u hanbalyeynayey ku dhawaaqayeen. Dhamaan laamaha dawlafu waxay ahaayeen goob joogayaal, maxkamada, badhasaabka, iyo wasaarada arimaha gudaha - wariyaha Lughaya News ee saylac oo goobjoog ahaa ayaa si toos ah usoo gudbiyey fariintaa qaaliga ah ee dhiigii Jimcaale ku daatay iyo marxuunkii labaad ee dhaawaca ahaa ee ku qudhwaayey qadiyada saylac. waxa sidoo kale ay shacabku hambalyo u dirayeen dadwaynihii, caaqiladii, iyo mujaahidiintii ka qayb galay badbaadada iyo xoraynta Saylac. Wixii war ee soo kordha la socda Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 1, 2013 War Deg-dega: Magaalada Saylac Oo Maanta Si Rasi Ah Loo Dhaariyay Maayar Iyo Ku Xigeen. Jan 1,2012 Saylac (Cadceed) – Magaalada Saylac oo inbadan ka taagnaa muran xoogan ayaa waxaa maanta markii ugu horaysay si sharciya ugu fadhiistay lana dhaariyaya doorashadii maayarka iyo maayar ku xigeenka sidoo kalena uu ansixiyay Badhasaabka gobalka Salal. Maanta ayay ahayd mid ka duwanayd xaalada magaalada Qadiimiga ah ee Saylac, kadib markii ay kulankoodii sharciga ahaa ee ugu horeeyay lagu ansixiyay maayar iyo maayar ku xigeen, waxaana arintaasi shabakada Cadceed u xaqiijiyay isuduwaha wasaarada warfaafinta gobalka Awdal mudane Abokor Xasan Caafi oo haatan ku sugan magaalada Saylac. Wuxuuna intaasi ku daray in la dhaariyay tobankii xildhibaan ee aqlabiyada haystay, halkaasina lagu doortay maayar iyo maayar ku xigeen. Munaasibadaas ayaa subaxdii maanta ka dhacday hoolka wasaarada kaluumaysiga oo ah hool aad u balaadhan oo qaaday dad farabadan oo ka soo qaybgalay oo daawanayay munaasibada dhaarinta iyo doorashada maayarka iyo maayar ku xigeenka degmada Saylac. Waxaa Maayarka degmada Saylac loo doortay Xuseen Iidle iyo ku xigeenka oo loo doortay Sacad Daahir Cige. Si kastaba ha ahaatee dhaarinta iyo doorashada degmada Saylac oo muddo badan la sugayay ayaa waxaa ay noqdeen kuwa sababay dabaaldagyo farabadan oo ka socda degmooyinka gobalada awdal iyo Salal, iyada oo aad ku arkayso magaalada Boorama nacnac farabadan oo lagu daadinaayo gudaha suuqyada iyo faras magaalaha magaalada Boorama. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wadani Posted January 1, 2013 U left out the most important info....what clans r the new mayor and deputy mayor, and r the Djibouti and Awdal clans both satisfied now? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 1, 2013 They are from the borama clans, no reaction so far from the jesus clan Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 1, 2013 Mashallah Quote Share this post Link to post Share on other sites