Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Seylac drama solved

Recommended Posts

Hambalyo Hambalyo – Mayerkii Saylac iyo Ku Xigeenkii oo Imika La Dhaariyey

Posted on January 1, 2013 by lugta

SAYLAC – Waxa hadda la dhaariyey Mayerkii Hussein Iidle Barkhadle iyo ku xigeenkiisii Sacad Dahir Cige: Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu hawsha u dhibyareeyo ayey shacabka u hanbalyeynayey ku dhawaaqayeen.

Dhamaan laamaha dawlafu waxay ahaayeen goob joogayaal, maxkamada, badhasaabka, iyo wasaarada arimaha gudaha -

wariyaha Lughaya News ee saylac oo goobjoog ahaa ayaa si toos ah usoo gudbiyey fariintaa qaaliga ah ee dhiigii Jimcaale ku daatay iyo marxuunkii labaad ee dhaawaca ahaa ee ku qudhwaayey qadiyada saylac.

waxa sidoo kale ay shacabku hambalyo u dirayeen dadwaynihii, caaqiladii, iyo mujaahidiintii ka qayb galay badbaadada iyo xoraynta Saylac.

Wixii war ee soo kordha la socda

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg-dega: Magaalada Saylac Oo Maanta Si Rasi Ah Loo Dhaariyay Maayar Iyo Ku Xigeen.

Jan 1,2012 Saylac (Cadceed) – Magaalada Saylac oo inbadan ka taagnaa muran xoogan ayaa waxaa maanta markii ugu horaysay si sharciya ugu fadhiistay lana dhaariyaya doorashadii maayarka iyo maayar ku xigeenka sidoo kalena uu ansixiyay Badhasaabka gobalka Salal.

Maanta ayay ahayd mid ka duwanayd xaalada magaalada Qadiimiga ah ee Saylac, kadib markii ay kulankoodii sharciga ahaa ee ugu horeeyay lagu ansixiyay maayar iyo maayar ku xigeen, waxaana arintaasi shabakada Cadceed u xaqiijiyay isuduwaha wasaarada warfaafinta gobalka Awdal mudane Abokor Xasan Caafi oo haatan ku sugan magaalada Saylac. Wuxuuna intaasi ku daray in la dhaariyay tobankii xildhibaan ee aqlabiyada haystay, halkaasina lagu doortay maayar iyo maayar ku xigeen.

Munaasibadaas ayaa subaxdii maanta ka dhacday hoolka wasaarada kaluumaysiga oo ah hool aad u balaadhan oo qaaday dad farabadan oo ka soo qaybgalay oo daawanayay munaasibada dhaarinta iyo doorashada maayarka iyo maayar ku xigeenka degmada Saylac. Waxaa Maayarka degmada Saylac loo doortay Xuseen Iidle iyo ku xigeenka oo loo doortay Sacad Daahir Cige.

Si kastaba ha ahaatee dhaarinta iyo doorashada degmada Saylac oo muddo badan la sugayay ayaa waxaa ay noqdeen kuwa sababay dabaaldagyo farabadan oo ka socda degmooyinka gobalada awdal iyo Salal, iyada oo aad ku arkayso magaalada Boorama nacnac farabadan oo lagu daadinaayo gudaha suuqyada iyo faras magaalaha magaalada Boorama.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

U left out the most important info....what clans r the new mayor and deputy mayor, and r the Djibouti and Awdal clans both satisfied now?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this