Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Our door is always open for any one in Somaliland Xildhibaan waabeeye.

Recommended Posts

“KULMIYE Albaabadiisu way u furan yihiin Ururradii ku hadhay Doorashadii Deegaanka”

December 31st, 2012

waabeeye-1.jpg

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE ,kana mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ururradii ku guuldaraystay inay ka mid noqdaan saddexda xisbi qaran.

 

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Wabeeye waxa kale oo uu hambalyo iyo bogaadin ku wajahan guusha xisbiga muxaafidka ee KULMIYE ka gaadhay doorashadii deegaanka u diray taageerayaasha xisbiga KULMIYE Maxamed Xaaji Yuusuf Wabeeye waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay wargeyska Dawan, waxaanu xusay in xisbiga KULMIYE taageerayaashiisii muujiyeen taageerada ay u hayaan, waxaanu tilmaamay inay xisbiga ay guul u tahay inuu soo baxo.

 

Maxamed Xaaji Yuusuf Wabeeye isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Sidaad ka war qabtaan waxa uu mar kale uu u soo baxay xisbiga KULMIYE inuu haysto xisbinimadiisii tobanka sano ee soo socda, waxaan hambalyo aad iyo aad u dirayaa dadweynihii u codeeyay xisbiga KULMIYE oo had iyo jeer la barbar taagan taageero, waana maanta guul in xisbigu soo baxo oo haddana hogaankii xisbiyada noqdo, taasoo muujinaysa taageerayaashii xisbiga KULMIYE inay yihiin wali qaar jira oo sideedii u taagan, waxaanan leeyahay waad ku guulaysteen codkiinii waxay Illaahay ka dhigay mid najaxa.”

 

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Wabeeye, isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi. “Waxa kale oo hambalyo u dirayaa maayarada ka soo jeeda xisbiga KULMIYE iyo dhamaan xubnihii xisbiga KULMIYE ee aan guulaysan inkasta oo Somaliland wada guulaysatay, kuwii laga guulaystay iyo kuwii guulaystay waxaan leeyahay hambalyo.”

 

isagoo la hadlaya ururrada siyaasada ee aan ku guulaysan inay soo baxaan waxa uu yidhi. “Waa iska caadi adduunyada oo dhan tabashooyinku way ka dhacaan doorashadu waa nin tartan ku jira waa nin ay dhaqaalihiisii ay baxayaan, markaa marka ay doorashadu dhacdo kolay waxa yimaada cabashooyin, markaa waxaan odhan lahaa dhamaanteen waynu wada guulaysanay intii Illaahay u calfay ayaa soo baxday, inteena kalena adduunyadu maantoo qudha maaha, ninka aan maanta guulaysan waxa dhici karta maalin dambe inuu guulaysto, waxaan leeyahay nabadgalyada aynu ilaashano, aynu aqbalno natiijadooyinkii sideedaba dimuqraadiyada waxa ka mid ah doorasho lama galo haddii aanad natiijada aqbalin, markaa waxaan odhan lahaa haddii Illaahay intan u qadaray waa in aad soo dhawaysaan maalmo badan ayaa hadhay.”

 

Ugu dambayn waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan ururradii siyaasada ee ku guuldaraystay inay soo baxaan, waxaanu yidhi. “Run ahaantii aad ayaan u soo dhawaynaynaa waana siyaasaddii xisbiga in aanu ururradii hadhay soo dhawayno, sababta oo ah xisbi Xaakim baanu nahay waa waajibaadkayaga iyo mas’uuliyadahayaga in aanu nimankaa tartamay ee sida xalaasha u tartamay ee natiijada aqbalay waxaanu aad iyo aad ugu han waynahay in aanu soo dhawayno wax alle wixii suurto gala xagayaga albaabaduna way u furan yihiin.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this