Xaaji Xunjuf Posted December 29, 2012 DEG DEG: C/wali Gaas Oo Booskiisii Xildhibaanimo Lagu Soo Badalay Xildhibaan kale Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaan C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka tanaa sulay ka mid ahaanshaha baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in xildhibaan C/wali Gaas uu ka baxay baarlamaanka isla markaana bookiisii lagu soo badalay xildhibaan kale. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaan Xuseen Qaliif Xaashi oo ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya uu iska dhiibay xilkiisa wuxuuna tilmaamay gudoomiyaha baarlamaanka in xildhibaan kale lagu soo badalay xildhibaankaasi. Raysay wasaarihii Hore ee Soomaaliya C/wali Maxamed Gaas ayaa wuxuu ka mid ahaa musharixiintii u tartamay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya doorashadii sanadkaan ka dhacday magaalada Muqdisho. Gaas ayaanan kulamdii baarlamaanka Soomaaliya aanan ka soo qaybgalin mudooyinkii ugu danbeeyay asagoo ku maqnaa wadanka dibadiisa oo aanan joogin magaalada Muqdisho. Masuulkaan ayaa haatan wuxuu ku suganyahay magaalada Nairobi waxaana laga yaabaa in uu isku diyaarinayo doorashada madaxtinimo ee maamulka Puntland, inkastoo madaxweyne Faroole uu doonayo in uu mudo hal sano ah uu ku darsado xiliga uu sii joogayo xafiiska. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted December 29, 2012 Xaaji I respect and admire this man, any man who could not get the support of faroole gets my vote, and anyone who gets off the gravy train called the somali federal parliament is either mad or cunning like a fox. Quote Share this post Link to post Share on other sites
sahal Posted December 29, 2012 Xaaji miyuu Cawarnaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites