Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Puntland forces capture medial health center(MCH) and boxes full of medicine.

Recommended Posts

Sawirro) Ciidamada dawlada Puntland oo soo qabtay Sahay ku socotay Kooxda Galgala.

Dawlada puntland ayaa shaacisay sahay ku socotay Kooxda ka dagaalanta buuralayda Galgala oo ciidamada dawladu ay gacanta ku dhigeen.

War-saxafadeed ay dhawaan dawladu soo saartay ayay arrintan uga warbixisay wuxuuna u qornaa sidan:-

Puntland State of Somalia

Garowe

WAR SAXAAFADEED

16 December 2012

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay sahay u rarnayd Buuraleyda Golis (aaga Galgala) iyadoo la xirxiray dadkii ku howlanaa fududeynta howshaas.

Hey’adaha amniga Puntland oo helay xog ku saabsan sahaydaan kadib ayaa gaari raran kuna sii jeeday Buuraleyda Galgala waxaa lagu qabtay kontoroolka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland 13 Dec. 2012.

Sahayda la qabtay ayaa ka koobnayd: 40-jawaan oo ay ku jirto cunno cayriin ah, sida bariiska, sonkorta, iyo burka; 11-kartoon oo ay ku jirto baasto, saliid, kaluun gasac ku jira, iyo yaanyo; 1-jawaan oo ay ku jirto 48- joog oo kabo ah; iyo 5-kartoon oo daawo isugu jirta faleebayaal, kaniiniga anti-biotic, iyo irbado dhiig-joojin ah.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay darawalkii gaariga ahna mulkiilaha gaariga, iyo iyadoo darawalka iyo xubno kale oo hore loogu tuhunsanaa inay gacan ka gaystaan sahay siinta kooxda argagaxisada Al Shabaab oo ku dhuumaalaysanaya Buuraleyda Galgala, iyadoo baaritaan ku socdo dadkii falkaan lagu soo qabtay, sharcigana la horkeeni doono.

 

 

112.jpg

 

113.jpg

 

117.jpg

 

116.jpg

 

115.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this