oba hiloowlow Posted December 14, 2012 Qarax loo adeegaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Guriga Shaqaalaha ee wadada maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qasaaraha uu geystay qaraxaas. Sida ay sheegayaan wararka gaari qaraxa ayaa la dhigay wadada dhinaceeda, iyadoo lala rabay Gaadiid ay wateen Ciidamada Booliska AMISOM oo wadada maray ka hor inta aanu qarxin gaariga. Hal ruux ayaa ku dhintay, halka 7-kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dad rayid ahaa, waxaana laga yaabaa in qasaaraha intaa ka bato. Qof goob jooge ah ayaa sheegaya in gaariga uu saarnaa nin kaxeynayay, isla markaana uu u muuqday mid qarxay ka hor inta aanu gaarin bartilmaameedka uu u socday. Afhayeenka Ciidamada Booliska Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in gaari yar oo loo yaqaano Kaarib uu qarxay, kadib markii wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana uu sheegay inay hayaan taargada gaariga qaraxa loo adeegsaday. Gaariga qarxay waxay taargadiisa aheyd AB 5143, mas'uuliyada qaraxaas waxaa ka dambeeyay Al-Shabaab, waxaan hada wadnaa baaritaan aan ku ogaaneyno cida leh baabuur, waxaa meesha dhigay labo dhalinyaro"ayuu yiri Jen. C/llaahi Xasan Bariise Dad goob joogayaal ka ag dhowaa halka qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inay u maleynayaan in gaariga uu saarnaa qofkii wadayay, inasktoo aan si rasmi loo cadeyn karin. Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay goobo ganacsi ku yaala wadada dhinaceeda, iyadoo bur bur soo gaaray tabeelayaashooda iyo saqafyada kore ee dhismaha, waxaana dadka ka degenaa nawaaxiga qaraxa ka dhacay ay sheegeen in qaraxu ahaa mid weyn. Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Muqdisho, iyadoo wadada ay isticmaalaan gawaarida ay leeyihiin ciidamada dowladda AMISOM, gawaarida mas'uuliyiinta iyo kuwa shacabka ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 14, 2012 Al shabaab as usual trying to carry out attacks in the city's most populated areas. Thank to god nobody got hurt today. Quote Share this post Link to post Share on other sites