Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Djibouti speaker of Parliament arrives in Somalia Mogadishu addresses the Parliament of Somalia

Recommended Posts

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Ka Hadlay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya

 

Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka wadanka Jabuuti Idiris Cali oo ka hadlay kulanka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu baaq u diray mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Idiris Arnaa’uud Cali ayaa wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in mudanayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan in ay yihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaad tihiin wakiiladii mataleyey shacabka somaliyeed,shaqadiina ha ahaato kuwo si daacad ah uguto waan idin ku hambalyeynayaa hogaanka aad usoo doorateen Soomaaliya ee dalka ku cusub” ayuu yiri gudoomiye Idiris.

Sidoo kale wuxuu sheegay in golaha baarlamaanka Soomaaliya ay yihiin golihii sharci dajinta ayna wanaagsantahay in ayu ilaaliyaan sharciyada wadanka iyo waajibka saran xiligaan.

Maanta ayay ahayd markii ay magaalada Muqdisho soo gaareen wafdi balaaran oo ka socda dowlada jabuuti kuwaasi oo uu horakacayay gudoomiyaha baarlamaanka wadanka Jabuuti.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in wafdigaan ay goor dhow la kulmaan madax kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya isla markaana ay kala hadlaan xaalada wadanka Soomaaliya iyo waliba safarkaan ay maanta ku soo gaareen magaalada Muqdisho.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti iyo xubno la socda oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

 

Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho iyagoo kulan la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay uga hadleen safarka ay ku yimaadeen Muqdisho.

 

Idiris Aarna'uut Cali oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa sheegay inay casuumad ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayna ku sugnaan doonaan Muqdisho iyagoo muddadaas kulammo la yeelan doona xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

"Booqashada uu halkan ku yimid guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waa tii ugu horreysay oo guddoomiye baarlamaan oo ka socda dalalka dariska ah uu ku yimaado Muqdisho," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahaa xubnihii soo dhaweeyay wafdigan.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada ay dowladda Jabuuti u fidisay shacabka iyo dowladda Soomaaliya isagoo sheegay inay tahay mid ay mar walba xusuusan doonaan.

 

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimaado magaalada Muqdisho, inta uu joogana uu la kulmi doono xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

“Waxaad tihiin mudanayaal wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed, shaqadiina waa in ay noqoto mid ay si daacad ah u gudataan; waxaana idin kugu hambalyeynaynaa hoggaanka aad u soo doorateen Soomaaliya,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti u sheegay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

 

Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah kuwa AMISOM, kuwasoo ka howgalaya gobolka Hiiraan, waxaana dowladda Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya ay dhowr jeer oo hore isku day-day inay xal u hesho dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this