jabarti Posted February 8, 2002 Asalamu Aleikum: Ciyaal flight 13 barta sheeko shukaansigan. Barigii hore Somalidu waxay lahay dhaqan cajiiba, kaasoo ay ka buuxday gabayo, heeso, hal xidhaale, iyo sheeko ciyaaleed. Hadaba aniga oo ka buuxa sheeko soomaali, ayaan jeclahay inaan dhalinta maanta la wadaago habkii ay u sheekaysan jireen ama isku shukaansan jireen hablihii iyo inamadii hore ee soomaaliyeed. Sheeko!!!! Inan soomaalia ayaa uyimid inan adhi la joogta inanka waxaa la odhan jiray muuse, inantana Miido, korkaa markii sheekadii isugu dubo dhacday ayuu muuse doonay inuu waydiiyo habka ay ku kulmi karaan caawa saqda dhexe isaga iyo miido wuxuuna yidhi: MURTI!!!! MIIDOOY XAGAAN KUU SOO MARAA? MUUSOOW MUSKAA ISOO JIBAAX MIIDOOY BILAA QODAXI IMUDAA? MUUSOW MADEEL(MINDI) DAABTAN HAYAA MIIDOOY BILAYN DHIIGAY QULQULYOO DHULKAA QABAY? MUUSOW XAREED MAYDHAAN HAYAA MIIDOOW BILAA QOYAYA OO QARQADHAY? MUUSOOW DAB-BAAN KUU SOO BALBALIN MIIDOY BILAA DABKU I DIIRIN WAA? MUUSOOW BOGAAN BOGA KUUGU QABAN HADAAN HOOYAA! HADAAN HOOYAA!!!! waxaan filayaa inaan garateen micnaha sheekada, la soco qormadayda danbe oo ku saabsan marka lala fikanayo hablaha soomaaliyeed iyo sirta (Technique)la isticmaali jiray. Awoowe Jabarti itself. Oslo, Norway. ------------------ Quote Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted August 24, 2004 waaaaaaaaaaaw a luvly peice indeed.......SARBEEB ayaa la yiraahdaa waxa kan.... asxantu Quote Share this post Link to post Share on other sites