Sign in to follow this  
MoonLight1

Muqdisho iyo Isbaaro maxaa kala haysta???

Recommended Posts

Qaar ka mid ah isbaarooyinkii laga qaaday gudaha iyo duleedka Muqdisho oo dib loo howlgeliyey

 

Iyadoo dhowaan saraakiisha ciidamada dowlada ay shaaciyeen in la qaaday guud ahaan isbaarooyinkii yiilay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ka dib amar arintaas oo ku saabsan oo ka soo baxay madaxweynaha Somalia ayaa warar saacadihii ugu dambeeyey soo baxay waxay sheegayaan in qaar ka mid ah isbaarooyinkii la qaaday dib loo howlgeliyey ayna gaadiidka ka qaadayaan lacago baad ah.

 

Meelaha isbaarooyinka lagu soo celiyey waxaa ka mid ah degmada Dharkeynley oo lagu arkay illaa sadex isbaaro oo kala yaala inta u dhexeysa Ex-control Afgooye, Xoosh illaa tabakaayo Madow, kuwaasoo ay ku sugan yihiin rag ku lebisan dareyska ciidamada oo lacago baad ah ka qaadanaya gaadiidka.

 

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Dharkeynley Yuusuf Kabaale ayaa sheegay in maamulku uu kulamo ka leeyahay sida laga yeeli lahaa isbaarooyinka lagu soo celiyey jidadka degmadaas, wuxuuna xusay iney talaabo ka qaadi doonaan, hase ahaatee warar hoose ayaa sheegaya in isbaaroyinkaas ay ka dambeeyaan masuuliyinta degmada qaarkood.

 

Dhinaca kale, isbaaro kale ayaa saaka la soo dhigay degaanka Xaawo Cabdi oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, waxaana ku sugan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowlada kuwasoo lacago kala duwan oo baad ah ka qaadanaya gaadiidka rakaabka iyo kuwa xamuulka ee wadadaas u kala gooshaya sida ay sheegeen dad saaka soo maray wadadaasi.

 

Darawalada gaadiidka rakaabka iyo kuwa xamuulka ayaa ka cabanaya isbaarooyinka dib loogu ssoo celiyey qeybo ka mid ah gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay haddii aan talaabo deg deg ah laga qaadin ay dib u soo laaban doonaan guud ahaan isbaarooyinkii dhowaan laga qaaday caasimada oo gaarayay illaa 60 isbaaro, mana jiro illaa hada war ku saabsan arintan oo ka soo baxay saraakiisha amaanka dowlada.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this