Abtigiis Posted December 27, 2012 Naag baa iyadoo nin sikhraansan ag fadhida ay neef ka fakatay. Waxay is tidhi bal in uu ninkan cabsan dareemay iyo in kale kala hubso. So, she asked: " Faaraxoow, maanta bal jawiga ka waran"? He replied: "Jawigu wuu qasan yahay; haday sidan ku sii socotana xaar baa inoo di'i doona. " Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted December 27, 2012 Arooryo suuban asxaabta: Nin Wacaysle ah baa rabey inuu Lawyocaddo ka galo Jabuuti, xuduudka baa dadkii lagu waraystay markii su'aalaha rakaabka la waydiinayey saf baa la geliyey, kii ugu horeeyey baa dhahay H-awal baan ahay, kii ku xigayna H-jeclo markii isagii la soo gaaray buu wuxuu mooday in la waydiiyey yaa ku dhalay, markaas buu dhahay habar kuuleey... markaas baa la qabtay oo lagu soo celiyey Xamar isaga oo hooyadii u xanaaqsan buu ku dhahay hooyo cid ku taqaanna ma leh, cid walba habarteed bay xuduudka ku mooday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nin-Yaaban Posted December 30, 2012 Gabar reer koonfur ayaa aragtay oday reer waqooyi oo cadeysanaya, markaasey tiri "Adeerow, cadayga dabada wax yar iiga jabi". Odaygii oo yaaban oo geesaha eeg eegaya, ayaa wuxuu yiri, hadii aan kaaga jabsho, soo kuma xanuunayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nin-Yaaban Posted December 30, 2012 Nin ayaa xaaskiisa ka dhoofay, oo dibadaha aaaday. Wuxuu u soo diri jiray E.mail uu oranayaa "waxaan kuu soo diray, 100 dhunkasha ah" (kiss/shumis) oo wax lacag ahna ma usoo diri jirin. Maalintii danbe ayeey ayadana email u dirtay oo tiri "kuwii korontada ayaa guriga yimid, oo lacagna ma u heen, waxaan siiyay 20 kiss, kii biyahana waxaan siiyay 20 kiss, kii cowska jarijireyna waxaan asagana siiyey 20 kiss, dukaankii deenta nagu lahaana, asagana 40 kiss. Marka saas u ogoow kiss kii aad soo dirtay saas ayaan u bixiyey". Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 30, 2012 Waxay ahayd markii Ugu horeysay ee ay Magaalo U amba baxaan isla markaana waxay ahayd Markii ugu horeysay ee ay Gaadhi ku Safraan, Waxay baabuurka raaceen Goor fiida oo ay Qoraxdu sii libdhayso. Wax yar ka dib waa la dhaqaajiyay. Waxayn saarnaayeen dusha sare ee dhaynaha. Labadan Nin Mid walba wax ka Yaabiyay wixii maskaxdiisa ku waynaa. Midbaa Oradak baabuurka ka yaabay midna laydhka ama nalalka uu Gaadhigu Habeenkii shito ee uu ku socdo ayaa uu in badan iswaydiinayay. Wayna skeekayseen. Ninkii 1aad: sxb waxaan ka amakaagay birtan orodkeeda waxaad moodaa libaax afar qaada oo mudo qatanaa. Ninkii 2aad: sxb waxa ilaa caawa aan ka fajacsanahay ninkan aan daalayn ee Tooshka wayn inala hor ordaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nin-Yaaban Posted December 31, 2012 Nin doqon ah ayaa wiilkiisa ku yiri isna doqon ahaa... "Maalintii aan kutukanay salaada jimcaha masjidka hebel, goormeey aheed? " Wiilkii ayaa kujawaabay, Aabe, waan halmaamay, laakinse waxaan umaleynayaa ineey aheed maalin Talaado ah". Aabihii ayaa asagana ugu jawaabay, waa runtaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 6, 2013 Nin baa saaxiibaddii u gabyay isagoo amaanaya. Wuxuu yidhi: Ipod sidiisii waad u dhigantaaye Iphone nada la sheegana adigaa ka qurux wayne dhaqankaagu waa asal sidii chager nokia e sony ericsson baad u eegtahay iyo glacxy notekiiye allaylaahe S2 gii sumsung waad u qalantaa adaygana 3310 iyo tooshe baad tahay iskiriinku kuma jabo sidii mobile china ahe Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 6, 2013 axlaa gabay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 11, 2013 Nin waadad ahaa oo aan waligii jaad cunin , ayaa maalin xanuusaday, saaxiibadii oo jaadka cuni jirey ayaa waxay u keeneen, sharaab ah Avocado ah , intuu eegay ayuu ku yidhi aabihiin cunna anigiibaad garaabo isoo ridiqdeen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 11, 2013 Looooooooooooooooooooooooooool....JB Anigaad garaabomii soo riiqdeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 11, 2013 Jacaylbaro;905725 wrote: Nin baa saaxiibaddii u gabyay isagoo amaanaya. Wuxuu yidhi: Ipod sidiisii waad u dhigantaaye Iphone nada la sheegana adigaa ka qurux wayne dhaqankaagu waa asal sidii chager nokia e sony ericsson baad u eegtahay iyo glacxy notekiiye allaylaahe S2 gii sumsung waad u qalantaa adaygana 3310 iyo tooshe baad tahay iskiriinku kuma jabo sidii mobile china ahe Lol...JB tixdan ma adigaa tiriyey? Yarta intaan baan ugu dari lahaa. Sim card sidiisii waa u siman tahaye App-skoo idil caqliga waadba dheer tahaya Google map-ka tilmaanta waad ka sidataaye. : Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 13, 2013 Nin reer Mudug ah ayaa wuxuu arkay nin reer Baay ah oo naaneys loogu yeero diidi jirey, markaas buu wuxuu weydiiyey "Waryaa haddii aad magacaaga diidey, yaad magaciisa qaadanaysaa"? Quote Share this post Link to post Share on other sites