Aaliyyah Posted December 7, 2012 Lasanod Online. Friday, December 07, 2012 Muqdisho,(lasanod Online)- Hay'adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga [TIKA] ayaa dib u dhis ku samayn doonta waddooyinka magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii. Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in hay'adda TIKA ay hadda waddo qorshe ay ku hagaajinayso meelihii ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasoo ay burburiyeen roobabkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka da'ay iyo bullaacado ku yaalla degmada Yaaqshiid. "Hay'adda TIKA waxay billowday inay dib u dhis ku sameynayso marsha-biyeedka wadadda isku xirta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo madaxtooyada, waxayna sidoo kale dayactir ku sameynaysaa biyo fariisin ku yaalla inta u dhexeysa KM-4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho," ayuu yiri Maxamed Yuusuf. Sidoo kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay in haya'ddu ay degmada Yaaqshiid ka waddo sameynta bullaacado ay biyuhu maraan oo aan wax dayactir ah helin 20-kii sano ee u dambeysay, isagoo xusay in sannadka soo socda si rasmi ah loo billaabi doono dhismaha waddooyinka Muqdisho. "Muqdisho waxay la mataanowday magaalada Istabuul ee dalka Turkiga, waxaana ay dowladda Turkigu ballaanqaaday inay dib u dhis ku sameynayso caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan waddooyinka gaaraya 36-km, bullaacadaha biyaha qaada iyo weliba marsha-biyoodyada ay dadku maraan," ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
OdaySomali Posted December 7, 2012 Brilliant news. Manshallah. I hope some knowledge transfer (by way of training) takes place so that the road-system can be maintained and further expanded when the Turks leave. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted December 7, 2012 Absolutely, hora lo yidhi in qof kaluun lasiiyo waxa ka fiican in la baro siduu u kaluunsado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 7, 2012 Great news indeed. This is the type of reconstruction Somalia needs . Quote Share this post Link to post Share on other sites
OdaySomali Posted December 7, 2012 Aaliyyah;896886 wrote: Absolutely, hora lo yidhi in qof kaluun lasiiyo waxa ka fiican in la baro siduu u kaluunsado. Sidaas weeye Aaliyah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 8, 2012 And it goes on. God bless Turkey! Quote Share this post Link to post Share on other sites