oba hiloowlow Posted December 6, 2012 Sahal stands for S as the gedo folks, A as the caano boodhe crew, H as the khatumo,puntland crew, L as the goldogob folks. Smart i have to say. Here is their latest warbixin about Somalia: Ururka Sahal oo warbixin kasoo saaray xaalada wadanka Soomaliya Horudhac Ururka Sahal waxuu dadwaynaha Soomaaliyeed halkaan ugu soo bandhigayaa xaalada ay marayso wadanka Soomaaliya waxayna warbixintan kooban ka hadlaysaa meesha ay marayso Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma, is badal ku yimid isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo heerka uu maraayo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka. 1. Xaalada Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma Ururka Sahal waxuu soo dhowaynayaa sidii sharafta lahayd ee dawlada Ras’iisal Wasaare Saacid iyo xubno ka mid ah Baarlamaanka ay fariin culus uga soo saareen xaalada Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma. Sidoo kale, waxaan ummadda Soomaaliyed la socodsiinaynaa in dhowaan iyana la kireeyey Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee New York/UN. Waxaan xukuumada Ras’iisal Wasaare Saacid uga mahadcelinaynaa go’aaminta in xaalada Safaaradaha Rooma iyo New York ay u dirto wafti heer Wasiiro ah kuwaasoo looga fadhiyo inay wax ka qabtaan waxyaalaha uu ku kacay safiirka dowladda u fadhiya dalalka Talyaaniga & Biljamka Nuur Cadde kaasoo ku takri-falay hantidii Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale, ururka Sahal waxuu u mahadcelinaynaa Wasaarada Arimaha Dibada ee Talyaaniga oo Nuurcade u yeertay si ay su’aalo uga waydiiso sababta Safaarada Soomaaliyeed ee Rooma looga kireeyay Shirkad Jirka Dumarka ka Ganacsata. Dhinaca kale, ururka Sahal waxuu si wayn ugu mahadcelinayaa Jaaliyeed Soomaaliyeed ee waddanka Talyaaniga kuwasoo muujiyey muwaadinimo iyo geesinimo ay ku difaacayaan hantida iyo dhismaha Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma. Sidoo kale, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibedda ku nool waxaan ka codsanaynaa inay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed isla markaasna ay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed. Ugu danbayntii waxaan ka codsanaynaa xukuumada Ras’iisal Wasaare Saacid, Baarlamaanka Jamhuuriyada dawlada Fadaraalka inay soo celiyaan hantidii Qaranka ee la bililiqeystay, gaar ahaan safaaradaha Rooma iyo New York. 2. Qaadista isbaarooyinkii magaalada Muqdisho iyo samaynta ciidamo beeleed Ururka Sahal waxuu soo dhowaynayaa qaadistii isbaarooyinka dhowaan laga fuliyey magaalada Muqdisho. Hase yeeshee, ururka Sahal waxuu si buuxda uga soo horjeedaa go’aankii madaxwaynaha iyo wasiirka Arimaha Gudaha ee ahaa in saldhigyada Booliiska magaalada Muqdisho laga badalo ciidamadii Booliiska Soomaaliyeed ee dhowaan la soo tababaray isla markaasna lagu badalo ciidamo gaar ah kuwaasoo kasoo jeeda beesha haysata magaalada Muqdisho isla markaasna u badan ciidamadii hogaamiye kooxeedkii iyo maxaakiimtii fashilmay.Khatar wayn ayaan u aragnaa in Muqdisho oo lagu sheegaayo caasimadii Soomaaliyeed inay lagu wareejiyo maleeshiyo beeleed kasoo jeeda beesha haysata magaalada Muqdisho isla markaasna aan matelin karin dhammaan beelaha Soomaaliyeed. 3. Warbixin heerka ay dadka deegaanka ah u marayso hawlaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in howlihii Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka ay marayso heer gabogabo ah isla markaasna dadka kasoo jeeda gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxay si buuxda isugu waafaqeen inay ka go’an tahay maamul u sameynta Jubbooyinka. Sidoo kale, ka dib shirar wadatashi ah, iyo falanqayn dheer ka dib waxaa dadka deegaamada Jubbooyinka iyo gudiga farsamada maamul u samaynta Jubbaland waxayna si buuxda isugu waafaqeen samaynta shan gudi, iyo in la isu keeno 480 ergooyin kuwaasoo ka kala imaan doona beelaha Soomaaliyeed ee ku nool sadexdaa ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Ergooyinka kasoo qaybgalaaya shirwaynaha samaynta maamul goboleedka Jubbaland waxaa loo qaybsaday sida hoos ku qoran: 1. Gobolka Jubada Hoose waxaa ka imaanaya 185 ergo 2. Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ka imaanaya 135 ergo 3. Gobolka Gedo waxaa ka imaanaya 165 ergo Ururka Sahal waxuu si buuxda u taageerayaa dardargelinta u sameynta gobolada Jubooyinka iyo qaabka loo qaybsaday ergooyinka loo qoondeeyey shirwaynaha maamulu sameynta gobolada Jubooyinka. Sidoo kale ururka Sahal waxuu ugu baaqayaa ergooyinka shirka maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo gudiga farsamada inay si cadaalad iyo sinaan ah wax ugu qaybiyaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubbooyinka. 4. Arigtida Ras’iisal Wasaaraha ee maamul u samaynta gobolada Jubbaland Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in shalay uu Raisul wasaaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku dhowaaqay in xukuumadiiisu ay diyaarisay qorshe balaaran oo lagu xasilinayo amaanka gobolada dalka isla markaasna hawlaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka ay tahay in dadka degaanku ay iyagu soo doortaan maamul ay iyagu leeyihiin. Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu si wayn usoo dhowaynayaa bayaanka waafiga ah ee kasoo baxay Ras’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga Soomaaliya kaasoo uu si cad u muujiyey in doorka dawlada Soomaaliya ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay iyagu dhistaan maamul goboleed waafaqsan sharciga dawlada fadaraaliga ah. 5. Cadaalada darrada iyo hagardaamada madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ay ku hayaan maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka http://www.raxanreeb.com/2012/12/ururka-sahal-oo-warbixin-kasoo-saaray-xaalada-wadanka-soomaliya/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 6, 2012 this is entertaining i wonder what HAG will say about this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 6, 2012 Clan organizations based in the diaspora you got to love it Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted December 6, 2012 Sure, moon stands for MOONA OONA OONA NUUNA. Sun stands for SCARY ULTRAVIOLET NUISANCE. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 6, 2012 Somalia this is not my words a friend from puntland just told me about it basically he said it was bunch of qabiilisteyal Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted December 6, 2012 Soomaali qabyaalad kama daasho. I believe Somali tribalism is a form of hooliganism without the football and alcohol. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wadani Posted December 6, 2012 I wonder who would win in a wrestling match between HAG and SAHAL. I'd put my money on SAHAL, with all their pent up anger these days. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 6, 2012 Wadani don't underestimate HAG Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wadani Posted December 6, 2012 HAG haduu gadoodo cid jabin kartaa majirto, ee hadda waxa yara kacsan qolada Sahal:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted December 6, 2012 oba hiloowlow;896615 wrote: Somalia this is not my words a friend from puntland just told me about it basically he said it was bunch of qabiilisteyal Well that's possible but that it stands for that, that's just ludicrous. Sahal is a word you know :D However, HAG is a different breed and much more powerful than this tiny organization. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted December 6, 2012 Xaaji Xunjuf;896659 wrote: Wadani don't underestimate HAG Please don't lead this thread to that wrong direction. SOL has got no space for another 20 pages of point scoring and recapitulating the ugly episodes of the 1990s mooryanism of both sides. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted December 6, 2012 haddana ma halkaan bay maraysaa bahashii? Wax laga sheekeeyo oo kale ma leh. Waxan dhan ma laga yaabaa inay reer SOL cilmiyeynayaan oo sidaan waxba u jirin. Sidan halla isku dhaamo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wadani Posted December 6, 2012 Tallaabo, we're talking about a hypothetical wrestling match here, that's all. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wadani Posted December 6, 2012 Ok guys im sorry hadii loo qaatay in aan dab hurinayo, ee aniga kaftan uun bay iga ahayd. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 6, 2012 Gudoomiyaha HAG eeh SOL na wa yimi Abwaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites