A_Khadar Posted December 4, 2012 Diyaaradii ugu horeysay ee Abid soo caga dhigata Degmada Taleex oo Maanta ka degtay Garoonka Diyaaradaha ee Taleex Garoonka Caalamiga ah ee Sayid maxamed Cabdile Xassan oo Dhowaan laga hirgeliyey Caasimada Maamulka Khaatumo ee Taleex ayaa maanta waxa soo Caga Dhigatay Diyaarad Siday Wefti Issimo iyo Wasiiro isugu Jira oo ka tirsan Maamulka Khjaatumo kuwaasi oo indhowaalaba ku maqnaa Caasimada dawlada Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Weftigan oo ay Hogaaminayeen Issimada Deegaanada Khaatumo oo ay kamid ahaayeen Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil , Ugaas Cabdilaahi Ciise iyi Suldaan Siciid iyo Xubno Ka socda Golaha Wasiirada Maamulka Khaatumo ayaa waxaa Si Diiran ugu Soo Dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdule Xassan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumop Maxamuud Yuusuf Jaamac Indhosheel, Xubno ka tirsan Golayaasha Xukuumada iyo Garaad Cabdisalaan Maxamed Xassan. Garoonka Diyaaradaha ee Taleex ayaa Duuliyaha Diyaarada Siday Weftiga Khaatumo uu ku tilmaamay Mid si heer sare ah looga Shaqeeyey. READ Madaxweyne Indhasheel welcomes Khatumo elders from Mogadishu Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted December 4, 2012 Garaad Jamac oo ka warbixinaya Wafdigii ka soo degay gedida diyaaradaha ee xarunta Mamulka Khaatumo (Taleex) Listen Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted December 4, 2012 Ambabixii iyo sagootintii ergada khatumo ee Xamar Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 4, 2012 Wlc home Khatumo no more expensive vacations. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted December 4, 2012 Historic Day for Khaatumo Capital City Taleex Waa Maalin Taariikhi Ah, Diyaaradii ugu Horeesay ee Soo Cagadhigata Sayid Mohamed Airport ee Caasimada Taleex Daawo Sawirada Caasimada Taleex, Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State Diyaaradii siday madaxdii Maamulka Khaatumo ee kasoo kicitimay Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya kana kooban Gollaha dhaqanka ee Maamulka Khaatumo, Qaar kamida Gollaha wasiirada iyo Xunbno kale oo fara badan ayaa si nabad galyo ah maanta uga soo dagay garoonka diyaarada ee Degmada Taleex Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Wufuudani oo si balaadhan loogu soo dhoweeyey Degmada Taleex ayaa waxaa soo dhoweyntooda kasoo qayb galay Madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo State, Isimo, Waxgarad, Cuqaal, Qaar kamida Gollaha wasiirada Maamulka Khaatumo, Siyaasiyiin, Haween, Dhalinyaro, iyo Bulsha weynta Reer Taleex, iyadoona halkaasi ay ka hadleen qaar kamida wufuudani maanta kasoo dagay degamada, iyagoona dhamaantood ka xog waramay waxyaabihii u soo qabsoomay mudadii ay ka maqnaayeen Deeganada Maamulka Khaatumo. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahad celiyey dad weynaha iyo madaxda sida weyn usoo dhoweeyey, iyagoona sheegay in ay qayb weyn kasoo qaateen dhisida iyo taaba gelinta Xukuumada soomaaliya ee haatan. Madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo ayaa iyana geestood si weyn u soo dhoweeyey soo noqoshada wufuudani, iyagoona ku tilmaamay inay qayb laxaad leh kasoo qaateen isku keenida umada soomaaliyeed.Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil , Ugaas Cabdilaahi Ciise iyi Suldaan Siciid iyo Xubno Ka socda Golaha Wasiirada Maamulka Khaatumo. Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted December 4, 2012 Garaad Jaamac Garaad Cali Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Garaad Jaamac Garaad Cali Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Khaatumo President Mohamed Yusuf IndhoSheel Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Khaatumo President Mohamed Yusuf IndhoSheel Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Sayid Mohamed Airport - Caasimada Taleex Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 4, 2012 Liibaan is the taleex airport finalized is this the first actual plane landing at the airport well if it is good stuff , well done Khatumo.By the way Garaad jamac meesha wuu ku so dhuubtay reer konfureedki garaadka miyanay sooryeyn Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted December 4, 2012 Sayid Mohamed Abdulle Hassan Airport oo ku yaal magaalada Taleex. Diyaaradan ayaa ah tii ugu horeysey oo sidey Isimo & madax ka tirsan maamul goboleedka Khaatumo State.(Dhegeyso) Garaad Jamac Garaad Ismail ayaa warbaahinta u waramay isagoo ku sugan magaalada Airpotka sidii nabad gelyada ahayd ee ay uga soo degeen magaalada Taleex. Wafuuda Khaatumo State, Caasimada Mogadishu Soo Dhoweyntii Wafuuda Khaatumo State, Caasimada Mogadishu Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted December 4, 2012 Garaad Sulieman Garaad Mohamed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted December 4, 2012 Wafuudii Maamul Goboleedka Khaatumo State Ee Lasocday Diyaaradii Maanta Kasoo Dagtay Garoonka Sayid Mohamed Abdule Hassan International Airport ee Caasimada Taariikhiga ee Taleex Golaha Dhaqanka Khaatumo State - Garaad Saleebaan Garaad Maxamed - Garaad Jaamac Garaad Cali - Garaad Gaamac Garaad Ismaaciil - Ugaas C/llaahi Ciise Nuur - Suldaan Siciid Maxamed Dhanka Xukuumada Khaatumo State - Wasiirka Madaxtooyada Mukhtaar Ibraahim Xabashi - Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Axmed Sulub - Wasiirka Amniga Maxamed Ducaale - Afhayeenka Xukuumada Cumar Jaamac Saleebaan Dhanka Aqoonyahanka Khaatumo State - Dr. Maxmed Buraale Xassan - Eng.C/llahi Axmed Cadaad Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted December 4, 2012 I like magaca garoonka loogu magac daray. AUN Sayid Maxamed Abdulle Xasan waa halyeey u qalma in loogu magac-daro gegida diyaaradaha ee Taleex. Kudos to Khaatumo on this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 4, 2012 Waryee Liibaan waxan inta iga dhaftid Kooyame Kundeeqa halkee mareysaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted December 5, 2012 Maamulka Khaatumo State of Somalia wuxu gaadhey guul aan lasoo koobi karin waan u hambalyeenayaa. Alle ha idin garab galo. Quote Share this post Link to post Share on other sites