oba hiloowlow Posted December 1, 2012 Ahlusunna oo Maanta shaacisay in Ciidamadooda ay ku biireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Sabti, December 01, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna waljamaaca oo dagaal kula jiray Al-shabaab ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u shaaciyay in ciidamadooda ay si rasmi ah ugu biireen kuwa dowladda Soomaaliya, kaddib shir jaraa'id oo ay ku qabteen mas'uuliyiinta ururka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusuna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ciidamadooda ay hoos imaan doonaan wixii maanta ka dambeeya kuwa dowladda Soomaaliya, ayna la xuquuq yihiin. "Hadii laga baxay ku-meel-gaarnimadii waa in qof walba uu xuquuqdiisa dowladda ka helaa, ciidamada ahlusunna waxay ka mid yihiin kuwa Qaranka Soomaaliyeed," ayuu yiri Sheekh Xeefow oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli uu ku sii jeeday degmada Guriceel ee gobolka Galguduud. Go'aankan la isugu daray labada ciidan ayaa ka dhashay kulammo maalmahan uga socday Muqdisho mas'uuliyiinta Ahlusunna iyo kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn la isku afgartay in labada ciidan ay isku mid noqdaan. "Ahlusunna weligeed Al-shabaab ayay la dagaalamaysay, dowladduna dagaal ayay kula jirtay Al-shabaab; marka isku hadaf ayaan ahayn markii horeba, haddana waan mideynay hadafkeennaas," ayuu yiri Xeefoow. Xoogagga Ahlusunna Waljameeca ayaa muddo shan sano ah waxay dagaal adag kula jirteen xoogagga Al-shabaab, iyagoo dagaalkooda uu ka billowday markii Al-shabaab ay isku dayday burburin qubuuraha culummo ay jecel yihiin Ahlusunna oo ku aasnaa degmooyinka gobolka Galguduud, taasoo ka careysiisay Ahlusunna. Quote Share this post Link to post Share on other sites