Sign in to follow this  
Somalia

President Hassan Sheikh Congratulates Somaliland on Elections

Recommended Posts

Somalia   

Jabuuti (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhoofay wadanka Jabuuti ayaa u hambalyeeyay maamul goboleedka Somaliland oo ay maanta ka dhacayso doorasho golayaasha deegaanka.

 

Madaxweynaha oo ka hor intii uusan ka dhoofin wadanka Jabuuti u waramay VOA ayaa sheegay inuu rajeynayo in si nabadgelyo ah ay ku dhacdo doorashada dawladaha hoose isla markaana la dhawro xasiloonida.

 

“Waan soo dhoweynayaa in shacabka ku nool deegaanadaasi ay u suurtagashay inay doortaan cidii maamuli lahayd, waxaana rajeynayaa in si nabadgelyo ah ay ku dhacdo” ayuu yiri madaxweynaha.

Wadahadalkii labada dhinac

 

Mar madaxweynaha la weydiiyey sida uu noqon doono wadahadalkii u bilawday dawladii hore ee ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka isku magacaabay Somaliland oo sheegta inay ka go’een Soomaaliya, ayuu madaxweynuhu sheegay in wadahadalkaasi uu sii socon doono isla markaana si wanaagsan ay u dhici doonaan wadahadalada labada dhinac.

 

Dhanka kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood qaadatay oo ay ku joogeen wadanka Jabuuti halkaasoo kulamo kala duwan isaga iyo wafdigiisa ay kula yeesheen madaxda dalka Jabuuti.

 

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa duhurnimadii maanta u dhoofay wadanka Itoobiya halkaasoo booqasho kale ay uga bilaabatay, kadibna waxaa sida wararku sheegayaan ay uga gudbi doonaan wadanka Kenya oo casumaad rasmi ah u fidiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this