Dr_Osman Posted November 28, 2012 Waaciye: War laga hirgeliyey 27 Nov 27, 2012 - 3:30:24 AM GAROWE ONLINE Degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa maanta 27 November,2012 lagu wareejiyey maamulkeeda War biyo qabatin ah oo dhowaanahan dhismaheedu ka socdey halkaasi. Duqa Degmada Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa kala wareegey wartan hayada biyaha u qaabilsan Puntland PSWEYN oo dhankeeda UNICEF ka gudoontey,,iyadoona loo qabtey xaflad kooban furitaankeeda. Duqa degmada Waaciye ayaa ka mahadceliyey wartan loo dhisey ,waxana uu xusey in wajiga ugu haboon looga faa'ideysan doono. Dadka deegaanka iyo waxgaradka ayaa soo dhoweeyey wartan cuusb ee loo dhisey degmada ,waxana ay sheegeen in baahi loo qabey madaama gobolka guud ahaan biyo yaraani ka jirto. Degmada Waaciye ayaa ka mida magaalooyinka Puntland kuwa waayadan danbe sida wayn u balaaranayey islamarkaasina laga hirgeliyey mashaariic horumarineed oo bulshada ku hayneysa deegaanka sida Caafimaadka ,Biyaha iyo waxbarashada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted November 28, 2012 Masha Allah, great development. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 28, 2012 Good development project, they should install these in many areas of Nugaal and Karkaar. Quote Share this post Link to post Share on other sites