Somalia Posted November 27, 2012 Shabelle Net Wararka aynu ka helayno magaalada Roma ee Xaruunta dalka Taliyaaniga ayaa xaqiijinaya in Ambassador Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga iyo Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) marna noqday R/wasaaraha Soomaaliya uu kireeyay dhismihii safaarada soomaaliya ee Dalka Taliyaaniga. Xariir aynu la samaynay dad kala duwan ayaa noo xaqiijiyay in Nuur Cadde uu 18 Sano ah ka kireeyay dhismaha Safaarada shirkad la yiraahdo Italian Tourist service oo laga leeyahay dalka Taliyaaniga. Shukri Said oo ah Saxafiyada ka shaqaysaa Wargeyska ugu balaaran dalka Taliyaaniga ee la yiraahdo La republica sidoo kale wax ku qorta Wargeyska kale ee lagu magacaabo Unita ayaa dhankeeda u xaqiijisay Shabelle in Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyay. “Waa run arintaasi waxbaa ka jira waana arin xaqiiqo ah, aniga waxaa ila soo xariiray Daraad khamiistii qaar ka tirsan Shaqaalaha Safaarada oo ii sheegay in Safiirka uu isagu yeeray dhamaan Shaqaalaha kadibna uu ku wargeliyay in dhismaha Safaarada Taliyaaniga Safaarada Somalia oo ka kooban 4 dabaq oo ku taala meel qurux badan oo qiimo leh laga kireeyay Shirkada Italian Tourist service laga bilaabo Bishan November aynu ku jirno, Shaqaalahana waxa ay ii sheegen inay markii wax ka weydiiyeen Nuur Cade sababta uu u kireeyay waxa uu nagu yiri adinkama jawaabayo Su’aalihiina,” sidaasi waxaa tiri Shukri Said. “Aniga Shalay waxaan tagay Dhismaha Safaarada , waana soo xaqiiqsaday arintaasi waxaa qadka Telphone-ka kula xariiray Nuur Cadde waxaana dhahay arintaasi maxaa ka jira, ma waxaad Amar ka haysataa madaxweynaha iyo R/wasaaraha in aad iibiso ama kireyso dhismaha Safaarada, iigama uusan Jwaabin, wuxuuna igu yiri shan cisho kadib ayaan soo laabanayaa markaasi ayaan kaaga Jawabaayaa. Shukri Said waxa kaloo ay intaasi ku dartay hadalkeeda inay Shaqaalaha qaar ay u sheegeen in Nuur Cadde uu aaday magaalada Brussels ee Belgium, qaarna waxa ay ii sheegeen inuu aaday dalka Switzerland kadib markii uu heshiiska lagu kireeyay Safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga uu kireeyay. Sidoo kale Shukri Said waxa ay sheegtay in iyada iyo Wiil kale oo Hooyadii Soomaali tahay ay shalay ilaa xalay ( Jimce ) ku sugnaayeen Safaarada oo ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan Shirkada Dayactiraysa Safaarada,waxaana ay intaasi ku dartay In Sharciga Taliyaaniga uu dhigayo haddi Shirkada ay shaqo ka bilowdo aan laga hor istaagi karin, iyadoo xustay inay adkaan doonto in dib looga wareego Shirkada laga kireeyay Safaarada. Dhinac kale AVV Xasan Ducaale oo ah Abukaate ku nool dalka Taliyaaniga oo Qadka Telefoonka ay kula xariirtay Shabelle ayaa sheegay in Safaarada lagu kireeyay 9 Sano ee hore Lacag gaaraysa Tobada kun Euro ( 10,000 ) halka 9 Sano ee dambe lagu kireeyay 15,000 Euro. “Arintaasi waa arin jirta, Safiirka markii uu la saxiixdat heshiiska ayaa waxa uga warbixiyay Shaqaalaha inuu ku kireeyay bishii Euro 10,000 sagaal sano ee hore, sagaalka kalena 15,000 Euro, warkaasi markaan maqalnay aad baan ugu xumaanay waayo Shirkada waxa ay bedelaysaa qaabka ay hadda u dhisantahay Safaarada, waxaana adkaan doonta in mar kale ay noqoto Safaarad,” sidaasi waxaa yiri Abukaate AVV Xasan Ducaale . Abuukaate Ducaale waxa kale oo uu sheegey in Shirkadaasi ay tahay shirkad caan ah oo aan la isku aamini karin dhinaca kalena waxa uu madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadey in wax laga qabto arintaasi . Shukri Said ayaa waxa ay sheegtay in wax laga xumaado ay in Shirkada ay dejisay Calanka Somalia ee ku xirnaa Safaarada mudadii 22 Sano ee lasoo dhaafay oo dad Somali ah degnaayeen. Si kastaba Shukri Said iyo Abukaate AVV Xasan Ducaale ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Somalia inay badbaadiyaan Safaarada oo ah hanti qaran oo ay shacab soomaaliyeed loogu adeego. Cudur Daar : Warqada Saxiixan Qoraalkeeda khadda awgeed ayaa si fiican loo aqrin karin hasa yeeshee isla warqadaas oo aan saxiixnayn waa warqadda labaad Warqada Heshiisaka hordhaca ah ee lagu kireyey dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga oo saxiixan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 MOGADISHU ( Sh.M.Network )— Dadka Soomaalida ee ku nool Magaalada Roma Ee Dalka Taliyaaniga ayaa waxa ay sheegeen in dadka Soomaalida ee halkaasi ku nool ay rajo xumo ka muujiyeen iibsashada Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Taliyaaniga . Shurki Saciid oo ka mid ah dadka Soomaalida ee ku nool Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga ahna gabar saxafiyad ah una shaqeeesa wargeys lagu magacaabo the Republic oo la hadashey idacaada Shabelle ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegtey in dadka Soomaalida ah ay niyad jab ku hayso iibsashada Safaarada Soomaaliya ee Wadanka Talyaaniga oo la sheegey in Nuur Xasan Xuseen Nuur cade safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga iyo Midowga yurub inuu ka kireeyey shirkad laga leeyhaay Dalka Talyaaniga waxa ayna sheegtey in xukuumada Soomaaliya looga baahan yahay in Arintaani si deg deg ah usoo fara galiso ama ay ka hadasho wararka sheegaya in nuur cade uu iibsadey safaarada Soomaaliya ee Wadanka Talyaaniga . Shukri Saciid ayaa waxa ay ugu baaqdey shacabka Soomaaliyeed iney ka soo horjeestaan iibsashada safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Talyaaniga isla mar ahaantaana loo baahan yahay iney garab istaagaan dadka Soomaalida eek u Nool Dalka Talyaaniga oo ilaalinaya safaaarada Soomaaliya . Maalmihii dambe dadka Soomaalida ee ku nool Magaalada Roma ee dalka talyaaniga ayaa waxa ay rajo xumo ka muujiyeen wararka sheegaya in safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga laga kireeyey shirkad laga leeyahay Dalka Talyaaniga mana jirto wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta ugu sareeso Dowladda Soomaaliya . Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 27, 2012 bacaaaaaac written by known unuka haters aka shabelle Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayey Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa madaxda ugu sareeso Dowladda Soomaaliya waxa uu ka dalbadey iney soo fara galiyaan kireynta Safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ee dhawaan uu kireeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen Nuurcade taasi uu ka kireeyey Shirkad laga leeyahay Dalka Talyaaniga . Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Ra’iisulwasaaraha Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu ka codsadey in si deg deg ah u soo fara galiyaan isla mar ahaataana ay wax ak qabtaan sababihii dhaliyey in la kireeyo safaarada Soomalaiya ee Dalka Talyaaniga . Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa ugu baaqey Wasaarada Arimaha dibada ee Dowladda Soomaaliya iney baaritaan ku sameenayaan Sabibihii keeney in safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga uu ka kireeyo Shirkad laga leeyahay Dalka Talyaaniga. Tan iyo Markii ay soo ifbaxdey in safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga uu kireeyey safaraada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ayaa waxa isi soo tarayey hadalada ka soo yeeraya qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo wax laga xumaado ku tilmaamey in safiirka in Safiirka Soomalaiya u fadhiya dalka Talyaaniga uu kireesto safaarada soomalaiya ee Dalka Talyaaniga. Kismayo 24 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 Nuur Cadde confirms. Says it's still Somali Embassy, we can take it back when we want. looooooooooooooooool Journalist keeps laughing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 http://www.repubblica.it/solidarieta/cooperazione/2012/07/24/news/somalia_il_rapporto_bryden-39611522/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 http://shabelle.net/wp-content/uploads/2012/11/lettera-originale.pdf http://shabelle.net/wp-content/uploads/2012/11/lettera-trascritta.pdf Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 oba hiloowlow;893231 wrote: bacaaaaaac written by known unuka haters aka shabelle Wow, spoke out with the clan cheerleading before I finished posting everything, good job man, good job. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 Why rent out for a measly 10,000 EURO a month if the house is really devastated? This is an embassy for God's sake. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 27, 2012 Danjiraha Somaliya u fadhiya Qaaradda Yurub ahna wakiilka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Cade) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar warbaahinta qaar sheegayeen inuu kireystay safaarada Somalia ku leedahay talyaaniga. Nuur Cade waxa uu sheegay in si qaldan wararka loo sheegay hayeeshee ay run tahay in la kireeyey lacagta kasoo xarootana ay dawlada leedahay. Waxa uu sheegay Danjiruhu in shirkad talyaaniga laga leeyahay heshiis kula galeen in dib u dhis ku sameyso safaarada Somaliya ku leedahay Magaalada Roma taasi oo bur bursan. “Hadalka sida loo dhigayo maahan ,waa run waan kireeyey saafaradda Soomaalia ee Talyaaniga laakiin waxaan idiin sheegayaa in lacagta kasoo baxda in dawladu qaadaneyso ayuu cod dheer ku sheegay Nuur Cade”. Danjire Nuur Xasan Xuseen ayaa sheegay in ilaa shan guri Somalia ku leedahay Dalka Talyaaniga,isagoo sheegay war xumo tashiil hadii la rabin maxaa loo kireyn waayey guryahaas kale ayuu yiri Nuur Cade. Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaaradda yurub Nuur Cade ayaa waxa uu sheegay in shirkada lacag laga qaadi doono kiro ahaan isagoo tibaaxay in dib u dayactir in lagu sameyn doono safaaradda lacagtana ay dawlada jeebkeeda ku dhici doonto. “Niyadeyda alle ayaa og ana waan isku kalsoonahay,lacagta shirkadaasi laga qaado ee kirada ah yaan loo maleyn in jeebka nuur cade ku dhaceyso ee dawlada ayaa qaadan doonta ayuu yiri Nuur Cade”. Hadalkaan kasoo baxay wakiilka Somaliya ufadhiya Qaarada Yurub ahna safiirka Saafarada Somaliya ujooga Dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Cade) ayaa kusoo beegmaya xilli isbuucaan warbaahinta Talyaaniga hadal hayeen kireynta safaarada Somaliya kuleedahay Dalkaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 Sorry man, I just posted information. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 Fadhigii Maanta Barlamanka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Baralamanka iyo ku xigeenkiisa 2-aad ayaa waxaa looga hadlay Kireynta Dhismaha Safaarada dowlada Somalia yak u leedahay dalka Taliyaaniga. Fadhiga ayaa waxaa Mowshin arintaasi ku aadan keenaya Xildhibaano ka tirsan Barlamanka kuwaasi oo ku baaqay in wasaarada arimaha dibada ay cadayso waajibaadka ka saaran badbaadinta dhismaha safaarada ee dalka Taliyaaniga oo uu dhowaan kireeyay Safiirska Somalia u fadhiya dalka Taliyaaniga Nuur Xasan Xuseen ‘Nuur Cadde’. Xildhibaanada ayaa ku doodayay in hantida Qaranka ay u baahantahay xilligan Badaabado,iyagoo xusay in aan marna loo dulqaadan karin in Shaqsi uu kireeyo Hantida qaranka,iyadoo aysan ka warhayn dowlada Somalia. Doodan ayaa imaanaysa xilli dhowaan Nuur Cadde oo wareysi siiyay Idaacadaha Maxaliga ee Muqdisho uu cadeeyay in uu shirkada dhinaca dalxiiska qaabilsan oo laga leeyay dalka Taliyaaniga uu ka kireeyay,iyadoo arintaasina ay si weyn uga soo horjeesteen soamaalida ku nool wadanka Taliyaaniga kuwaasi oo ugu baaqay madaxda sare ee dowlada inay soo farageliyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 I am disappointed not only as a Somali, but as a decent human being. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 27, 2012 These are just lies lies and more lies nuur cade is one of t'he most respected somali diplomats he is also is a hero to get rid of t'he habashi govt of cabdilahi yusuf. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 27, 2012 He. Just. Admitted. It. It's on tape God Damn. Quote Share this post Link to post Share on other sites