Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Faroole visits Qardho Orphanage Daarul Xanaan in Qardho

Recommended Posts

Dr.Farole oo u tagay Agoonta

 

25 Nov 25, 2012 - 12:39:14 PM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 25 November,2012 booqasho ku tagay Iskuulka Daarul Xanaan ee Agoonta Qardho loogu talo galay.

 

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha madaxtoyada ayaa wehelinayey Dr.Farole,waxana ardeyda loogu soo saarey meel fagaare ah oo khudbado laga jeediyey.

 

Maamulaha Iskuulka Cabdiqaadir Yaasiin ayaa ka waramay Iskuulka iyo xaaladihiisa tan iyo markii la asaasey 1997.waxana uu raaciyey in iskuulku u weli tabayo baahiyo looga fadhiyo maamulka inay buuxiyaan.

 

Kalmada soo dhoweynta ayaa waxa qaatey mid kamida ardeyda Iskuulka oo wafdiga madaxweynaha si diiran khudbad afka carabiga ah ugu soo dhoweeyey.

 

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa amaanay maamulka Iskuulkan sida ay isku xilqaameen hawsha ardeydan ,waxana uu balanqaadey in miisaaniyada dowladda inay qayb noqon doonaan.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa socdaalka Madaxweynaha Puntland maalinki saddexaad uu ku joogo Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar oo dhinac kale kulamo la galayo waxgaradka iyo odayaasha deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this