Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland President inaugurates Qardho Prison Complex

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo furey Xabsiga Qardho

 

25 Nov 25, 2012 - 5:11:16 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 25 November,2012 xariga ka jarey xabsiga weyn ee magaaalada Qardho oo afartii sanno ee la soo dhaafey dhismihiisu socdey.

 

Wasiiro ka tirsan dowladda ayaa la socdey Dr.Farole oo ka mid ahaa wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ,ku xigeenka Arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh ,taliyaha Daraawiisha Gen.Siciid Dheere ,Taliyaha Asluubta Gen.Cali Nuur Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

 

Sidoo kale waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey sida madaxa UNDP Puntland Mr.Kean Tran oo ah hayada gacanta hawsha ku haysey,iyo weliba odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanka.

 

Waxa uu ka koobanyahay saddex qaybood oo midkiiba 13 qol tahay ,waxana qolkiiba loogu talogalay 8 maxbuus iyadoona ay jiraan dhismayaal kale sida qaybta Saraakiisha xabsiga ,Xafiisyada maamulka ,Caafimaadka iyo Jikada.

 

Xaflad kooban ayaa lagu qabtey madasha waxana madaxweynaha Puntland uu muujiyey dareen farxadeed ka dib markii wax badan la soo wadey hawsha Xabsigan in maanta uu xariga ka jaro,isagoona mahad u celiyey hayadihii ka qayb qaatey dhismahiisa.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegey in xabsiga noqon doono mid lagu xiro dadka danbiyada gala deegaanada Puntland islamarkaasina hayn keliya aysan ku koobnaanin doonin balse la dhaqan celin doono si berito marka wakhtigoodu dhamaado ay bulshada ugu laabtaan.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar ayaa balan qaadey in maxaabiista la keenayo xabsigan ay dhaqan celin doonaan islamarkaasina xil ciidan kiisu iska saari doono.

 

Madaxa UNDP Puntland ayaa isna sheegey in hayadiisu sii wadi doonto hawsha xabsiga oo sanadka soo socda tababaro iyo siminaaro u qabaneyso shaqalaha iyo ciidanka xabsiga.

 

Dadweynaha Qardho ayaa soo dhoweeyey xabsigan manta xariga laga jarey ,waxana dhowaan la keeni doonaa maxaabiista dambiyada kala duwan ka gashey dalka,iyadoona uu yahay mid si heer sare ah loo diyaarshey una dhamaystiran yahay dhamaan agabkiisi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this