Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland ultra nationalist party Wadani comes out in huge numbers in the election rallies

Recommended Posts

urco: Taageerayaasha Waddani Oo Gabogabada Ololaha Soo Bandhigay Cuddud Aan La Qiyaasi Karin Iyo Nuxurka Khudbad Uu U Jeediyay Guddoomiye Cirro (Daawo Sawiro)

 

Burco (Ramaas) Nov 24,2012 - Tageerayaasha urur siyasadeedka WADDANi ayaa maanta isu soo bixii ugu balaadhnaa tan iyo intii uu socday ololaha doorashadda deegaanku ku soo bandhigay Magaaladdada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Taageerayaasha Waddani ee Magaaladda Burco oo ilaa xalay si weyn ugu diyaar-garoobayey isku soo baxan ay ku soo khatimeen ololaha doorashadda deegaanka ee todobaadkan ka dhici doonta Somaliland, ayaa waxay intooda badan ku lebisnaayeen calanka Astaanta u ah Waddani, waxayna siteen sawiradda Musharixiinta Golaha deegaanka Burco ugu tartamaya Waddani, ayaa waxay isugu soo baxeen Fagaaraha Khayriyadda Burco oo loo diyaariyey inay ololahooda ku soo gabogabeeyaan Taageerayaasha ururada iyo Axsaabta siyaasada oo Waddani ahaa kii ugu dadka badnaa.

 

 

Taageerayaasha Waddani oo cududoodu ahayd mid layaable isla-markaana ka fajacisay Masuuliyiinta Waddani oo kala qayb-galay isku soo baxa, ayaa waxay halkaasi ku muujiyeen sida ay awooda ugu leeyihiin inay soo saaraan ururkooda iyo Musharixiinta uga sharaxanba.

 

Taageerayaasha Waxa kala qayb-galay isku soo baxan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo wefti balaadhan oo la socday oo xalay u hoyday Burco, kuwaasi oo markii ay gaadheen Fagaaraha Khayriyadda ay iswabsatay Mashxarada iyo sacabka taageerayaashu ku soo dhawaynayeen, iyadda oo Guddoomiyaha oo dhex lugeeyay Magaaladda Burco intii gaadhayey Fagaaraha ay dhinacyadda ka socdeen Kumaanaan Taageere oo ku dhawaaqayey kalmado ay ka mid tahay “Soo Dhowow Madaxwaynaha Mustaqbalkow” iyo weedho kale oo amaan ah.

 

Cududani taageero ee uu maanta ururkani ku soo bandhigay gudaha Magaaladda Burco ayaa iyadu ahayd mid uu ururada kale ku tusayay kalinta hogamineed ee uu kaga jiro asxaabta siyasada Somaliland, iyadda oo fagaaraha uu hadheeyay calanka Waddani ee midabka culus ahi.

 

Soo dhawaynta Guddoomiyaha Waddani waxa madashaasi ka hadlay 21 Musharax ee Waddani uga sharaxan Burco, waxaanay musharixintaasi dhamaantod halkaasi ku soo bandhigeen waxyabaha ay qaban-donaan haddii ay ku soo baxaan doorashadda deegaanka.

 

Waxaanay sidoo kale xuseen inay wax badan ka qaban-donaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, laydhka iyo waliba dhamaanba bahiyaha aasaasiga ah ee ay shacabka reer Burco tabayaan.

 

 

Waxa iyaguna la hadlay taageerayasha ururka WADDANI mausuliyiin ay mid ahayeen Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi oo ah Xidhidhiyaha Qaaradda Yurub ee WADDANIl, Xildhibaan Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibanada golaha wakiilada Somaliland, Axmed Muuse Obsiye oo ah xildhibanada golaha guurtida Somaliland, Xuseen Ismaciil oo ka mid ah Xildhibanada golaha wakiilada, Siciid Maxamuud Cali Diiriye, Proff Cabdi-salaan Yaasiin, Axmed Cali Nuur oo ka mid ah gudida Fulinta ee ururka WADDANI, Eng Cismaan Aw Aaden faarax oo ah gudomiyaha ururka WADDANi Yurub, Eng Cabdiraxmaan Maxamed Magan.Axmed Xuseen Fagfagaash, Safiirkii hore ee Shiinaha Axmed Xasan Egal, Xildhibaan Xuseen Maxamed Egi oo ka mid ah mudanayasha golaha wakiiladda, waxaanay dhamaantood masuliyintaasi sheegeen inuu WADDANI uu wakhtigan yahay mid kaalinta hore ku hogaminaya dhamaanba asxaabta siyaasadda Somaliland.

 

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa jeediyay khudbad kooban oo macno badan ku fadhiday, waxaanu yidhi “Sida aad ogtihiin ururka WADDANI waxa la bahoobay ilaa 5 musharax oo u taagnaa jagada Madaxwayne, taasi waxay ina tusaysaa cudduda iyo miisanka uu leeyahay, markaa waxa loo baahan yahay inaynu samayno dulqaad badan isla-markaasna ay siyaasaddu noqoto mid mudakar ah oo aynu dadka reer Somaliland ee danyarta ah aynu dareenkooda la qaybsano, waxaan maanta halkan idiinka cadaynayaa inaan ahay sanadka 2015 Musharax Madaxwayne oo u taagan jagada Madaxwayne ee ururka WADDANI”

 

 

Ramaasnews Des

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;892574 wrote:
Somaliland has ultra-nationalist party?

Yeah they do it not a party yet but it will next week most likely they have the biggest supporters

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf, why did you only make thread for Kulmiye and the goverment favoured parties Wadani and Xaqsoor?

Are these your favourite parties as well. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this